Weerar Lagu Qaaday Warshadda Saliidda Bahrain, Bapco Oo Hakisay Wax-soosaarkii

Image

Manama — Shirkadda tamarta ee Bahrain Bapco ayaa joojisay hawlihii wax-soosaarka ee xarunteeda sifeynta saliidda ee Sitra kadib weerar lagu qaaday goobtaas, taas oo ku qasabtay shirkadda inay ku dhawaaqdo xaaladda loo yaqaan Force Majeure. Tallaabadan ayaa ka dhigan in hawlihii warshadda si ku-meel-gaar ah loo hakiyay sababo ka baxsan awoodda shirkadda.

Weerarkan ayaa imanaya xilli xiisadda milatari ee Bariga Dhexe ay sii kordhayso, taas oo durba saameyn ku yeelatay warshadaha tamarta iyo isu socodka shidaalka ee gobolka.

Warshadda sifeynta ee Sitra ayaa ka mid ah xarumaha ugu waaweyn ee saliidda ee Bahrain, iyadoo awooddeedu gaarto qiyaastii 380,000 foosto maalintii. Warshaddan ayaa saliid cayriin ah ka hesha Sacuudi Carabiya iyada oo loo soo mariyo dhuun saliid oo labada dal isku xirta, arrintaas oo ka dhigaysa mid muhiim u ah isku xirka wax-soo-saarka iyo dhoofinta saliidda ee labada dal.

Hakadka ku yimid hawlaha warshadda ayaa sidoo kale saameyn ku yeelan kara mid ka mid ah marinnada ay Sacuudi Carabiya u adeegsato sifeynta iyo gaarsiinta saliidda ay soo saarto.

Bapco waxay ka mid tahay shirkadaha ugu waaweyn ee gobolka ka dhoofiya shidaallo kala duwan sida diesel, shidaalka diyaaradaha (jet fuel) iyo naphtha, kuwaas oo loo suuq geeyo dalal badan oo ku yaalla Bariga Dhexe iyo qaar ka mid ah suuqyada Aasiya.

Sanadihii u dambeeyay shirkaddu waxay samaysay ballaarin weyn oo lagu kordhiyay awoodda warshadda Sitra, iyadoo laga dhigay 380,000 foosto maalintii, halka markii hore ay ahayd 265,000 foosto maalintii.

In kasta oo hawlihii warshadda la hakiyay, Bapco waxay sheegtay in baahida shidaalka ee gudaha Bahrain weli si buuxda loo daboolayo, iyadoo shirkaddu sheegtay inay hore u diyaarisay qorshayaal lagu hubinayo sii socoshada sahayda gudaha.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Weeraradii Iran Qaadeysay Oo Hoos U Dhac Ku Yimid, Sabab?

Duqeymaha ay wadaan ciidamada Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah….

  • Caalamka

    06-03-2026

  • 12:57PM

Duqeymaha Mareykanka iyo Israa’iil ee Iran oo sii socda; in ka badan 1,045 qof oo la dilay

Xiisadda sii kordheysa ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in colaadda ay ku faafto Bariga Dhexe oo dhan.

  • Caalamka

    05-03-2026

  • 06:38AM