Zimbabwe oo loo magacaabey xukuumad ciidamadu awood ku leeyihiin

Image

HARARE- Emmerson Mnangagwa, oo badalay Madaxweynaha Zimbabwe kadib markii dalkaas afgambi dhiig ku daadan ka dhacey ayaa magacaabey gole Wasiiro ay ciidamadu ku leeyihiin awood badan, halka Wasiirka Maaliyada uu noqdey shaqsi xiriir la leh hay’adaha caalamka ee daynka bixiya.

Golaha Wasiirada cusub ayaa waxaan gabi ahaan kasoo dhex muuqan siyaasiyiin ka tirsan mucaaradka taasoo meesha ka saartey balan qaadkii Madaxweynaha cusub markii uu ku soo noqdey dalka Zimbabwe kasoo ahaa in dimoqraadiyad cusub ka dhisayo dalkaas.

Patrick Chinamasa, oo ah ruugcadaa ayaa loo magacaabey Wasiirka Maaliyada isagoo laga sugayo in dalka Zimambwe ka saaro go’doonka dhaqaale ay ku jirto iyo lacag la’aanta ka jirta suuqyada dalkaas kadib markii Cirka uu isku shareerey deynka caalamiga ah ee lagu leeyahay.

Magaacabista golaha Wasiirada ayaa waxaa laga akhrisan karaa abaalka Madaxweynaha cusub u hayo ciidmada Militariga kuwasoo ku dhawaaqey markii xukunka loo dhaariyey in talaabadaan tahay mid Dastuuri iyadoo  Wasiirka Beeraha iyo dhulka uu u magacaabey taliyihii ciidanka Cirka Perrance Shiri halka Wasiirka arimaha dibada ka dhigey sarkaalkii Idaacada 4:00 am ka sheegey in wadanka inqilaab military ka dhacey kasoo magaciisa la yiraahdo Major, General Sibusiso Moyo.

Perrance Shiri ayaa Waxaa uu caan ku ahaa in uu hogaaminayay howlgalkii ka dhacay goob lagu magacaabo Matabelelandin horraantii 1980 kaasi oo ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 20 kun oo rayid ah.

Chris Mutsvangwa, oo ah odey ka tirsan halgamayaashii gobonimada dalka Zimbabwe ayaa isagana loo magacaabey Wasiirka Warfaafinta dalkaas.

Emmerson Mnangagwa ayaa sidoo kale dib u magacaabey wajiyo badan oo ka tirsanaa xukuumadii Madaxweynihii hore Robert Mugabe taasoo dad badan oo Reer Zimbabwe aad uga xumaadeen.

Liiska cusub ee golaha wasiirrada oo ka kooban 22 Wasiir, waxaa ka dhex-muuqday Taliyaashii hogaaminayay Afgambigii Mugabe ku khasbay inuu xilka ka dago iyo sidoo kale golaha Xukuumadda kama dhex-muuqdaan xubno kasoo jeeda Mucaaradka dalkaas.

Hoos ka Akhriso Liiska golaha Wasiirrada Zimbabwi

Sibusiso Moyo, Wasiirka arrimaha dibadda

Patrick Chinamasa, wasiirka Maaliyadda iyo qorshaynta Dhaqaalaha

Obert Mpofu, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dhaqanka

Air Marshal Perrance Shiri, Wasiirka dhulka, Beeraha iyo dib u dejinta reer Guuraaga

Dr Lazarus Dokora, Wasiirka wasaaradda Waxbarashada hoose iyo sare

Dr David Parirenyatwa, wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Carruurta

Kembo Mohadi, wasiirka Difaaca iyo amniga

Ziyambi Ziyambi, wasiirka Cadaaladda, sharciga iyo arrimaha Barlamanka

Major General Sibusiso Moyo, wasiirka Arrimaha Dibadda iyo ganacsiga caalamka

Cde Kazembe Kazembe, wasiirka Cayaaraha iyo madadaalada

Dr Mike Bimha, wasiirka Warshadaha iyo hormarinta Ganacsiga

July Moyo, wasiirka Dowladaha hoose, howlaha guud iyo guriyaynta

Sithembiso Nyoni, wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Dhalinyarada

Professor Amon Murwira, Wasiirka Waxbarashada Sare, Sayniska iyo hormarinta Tiknoolajiyada

Supa Mandiwanzira, wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo Nabadgelyada Cyber-ka

Professor Clever Nyathi, wasiirka wasaaradda Shaqaalaha iyo Daryeelka Bulshada

Dr Joram Gumbo, wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Kaabayaasha

Winston Chitando, Wasiirka hormarinta Macdanta

Oppah Muchinguri-Kashiri, Wasiirka Deegaanka, Biyaha iyo Cimilada

Priscah Mupfumira, wasiirka Dalxiiska iyo Warshadaha

Ambassador Simon Khaya Moyo, wasiirka hormarinta Tamarta

Chris Mutsvangwa, Wasiirka Warfaafinta, Saxaafadda iyo adeegyada warbaahinta

Simbarashe Mumbengegwi, wasiir dowlaha Madaxtooyada, ee kormeerka iyo dabagalka barnaamijyada xukuumadda.

GO + WAKAALADAHA 

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM