Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka
MUQDISHO, Soomaaliya - Hay’adda Hormuud Salaam Foundation, ayaa deeq ka kooban Geel, Dhar, Cabitaano iyo Lacag gaarsiisay Maxaabiista Xabsiga Dhexe ee Xamar iyo Isbitaalka Martiini, gaar ahaan qeybta ay daganyihiin askar ku curyaamay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee dhacay 1977-ka.
Deeqdan waxaa ku jiray 5 Neef oo Geel ah, oo Hay’addu waxay geysay Xabsiga Dhexe, si mabaaxiista loogu qalo, waxaana kaalmada aad uga mahadceliyay Saraakiisha Xabsiga iyo Dadka ku xiran, oo baahi badan u qabey kaalmadda, qeybta ka ah Taakuleynta bisha Ramadan.
Marka laga soo tago shanta Neef ee Geela, waxaa Maxaabiista Xabsiga Dhexe oo Rag iyo Dumar isagu jira loogu deeqay Dhar ay ku lebistaan, Cabitaano, Caano iyo Raashiin qalalan, oo ay isticmaali doonaan inta lagu jira bisha Ramadan.
Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation Cabdullahi Nuur Cusmaan oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in deeqdan ay tahay mid joogto ah oo sanad walba xiliga Ramadan-ka ay Hay’addu gaarsiiso Xabsiga Dhexe ee Xamar, ayna sii wadi doonto.
Deeqda waxaa ka hadlay mas’uuliyiinta Taliska Ciidamada Asluubta iyo Xabsiga Dhexe, kuwaasi oo Hay’adda Hormuud Salaam Foundation uga mahadceliyay deeqda mar waliba ay soo gaarsiiso Xabsiga.
Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah waxay ku wareejisay dadka nafadda ah ee ku nool Isbitaalka Martiini, kuwaasi oo ku curyaamay dagaalkii 77-ka, ee Soomaaliya ay la gashay Itoobiya.
Gudoomiyaha Naafada Xooga dalka ee Isbitaalka Martiini iyo afhayeenkooda ayaa Hormuud Salaam Foundation uga mahadceliyay kaalmada ay soo gaarsiiyeen, oo ay heleen waqti ay aad ugu baahnaayeen, oo ay sooman yihiin bisha Ramadan, iyagoo duruufo nolosha ah haysata.
GAROWE ONLINE