Axmad Barre oo ku guuleystey Duqa degmada Garoowe

Image

GAROWE (GO) - Kadib markii Doorashada Duqa magaalo madaxda Puntland ee Garowe dhacdey maanta ayaa waxaa ku guuleystey Axmad Xasan Barre gudoomiyaha golaha degaanka degmadaas 5 sano ee soo socoto.

Golaha degaanka oo ka kooban 27 xubnood ayaa codbixin qaraoodi ah u sameeyey labada musharax Axmad Abshir “Bakuuke” iyo Axmada Barre iyadoo ay goobta goob joog ahaayeen guddiga Doorashada ee ka socdey Wasaarada arimaha gudaha Puntland.

Axmada Barre ayaa ku guuleystey cod ah 18 xubnood halka Axmad Abshir uu heley 9 cod.

Axmad Barre oo horey u soo noqdey xubin ka tirsan Barlamanka Puntland ayaa waxaa uu hadda maamulo ka ahaa shirkada xawilaada Ifttin.

Golihii hore ee degmada ayaa waxa kala direy Madaxweynaha Puntland kadib markii khilaaf soo kala dhexgaley.

Golayaasha degaanka Puntland ayaa waxaa lagu soo doortaa habka beelaha iyadoo maamulkaan muddo 20 sano ah uu jirey ku guulaysan waayay doorasho Hal qof Hal cod ah.

Madaxweyne Gaas oo horey u balanqaadey in barnaamijkaan dhameystirayo ayaa ku fadhilmey iyadoo maamulka Puntland Doorashada guud ee Madaxweynaha ee la qabanayo sanadka soo socda bilowgiisa nidaamka beelaha ku soo xulaneysa Xildhibanada Barlamanka kuwasoo ka kooban 66 xubnood.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM