Boosaaso: Xarumo ganacsi oo loo xiray "baad" ay soo rogtey ISIL

Image
Dowladda Puntland ayaa weli wax war ah ka soo saarin xaaladda ka taagan xarunta gobolka Bari.

GAROWE, Puntland - Warar warsidaha Garowe Online ka helay illo lagu kalsoon-yahay ayaa sheegeya shirkada Al-Macruuuf oo dhowaan kooxo argagixiso ah ka gubeen goob laga dukaameysto ay ku lahaayeen magaaladda Boosaaso ay xireen dhamaan gobohoodii ganacsiga ay ku lahaayeen xarunta ganacsigga Puntland.

Fahfaahinta oo ay GO u xaqijiyeen saraakiil ammaan ayaa waxay intaas ku daraysaa in kooxada argagixisadda ah ay waydiisteen shirkadan aduun lacageed gaaraya $500,000.

Dhinaca kale, magaalada Boosaaso ayaa waxaa la soo gudboonaatey cabsi balaaran ee ku aadan baqdin galinta kooxaha argagixisada ah kuwaas oo bilaabey si dardar galin ah lacago uga baad ah uga urursadaan xarumaha ganacsiga magaalo xebeedka Boosaaso.

Dowladda Puntland ayaa weli wax war ah ka soo saarin xaaladda ka taagan magaalada Boosaaso iyadoo ganacsato badan waqtigaan ka soo qaxeen xarunta gobolka Bari.

Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni oo ka maqan Puntland muddo bil ah ayaa golihiisa xukuumadda ku mashquulsan yihiin doorashooyin golaha degaanka ee lagu muransan yahay.

Deni oo dhowrkii todobaad lasoo dhaafay isaga kala gooshay Boosaaso, Nairobi iyo Imaaraadka ayaa raadinaya muddo kororsi maadaama muddo xileedkiisa ay uga la dhiman tahay 8 bilood.

Hay'adaha amniga Puntland iyo shaqaalaha rayidka ee Puntland ayaa mushahar qaadan muddo kor u dhaafeysa 5 bilood. Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ayaa dhanka kale waxay dagaalo qaraar ku dhexmareen qaybo kamid ah gobolka Bari ka gadaal markii ay isku-qabteen maamulka degaanka iyo waliba dhaqaalaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM