Madaxweyne Gaas oo ka aamusan go’aanadii Barlamanada Soomaaliya

Image

GAROWE- Kadib markii Barlamanada Federaalka ah ka mamnuuceen shirkada DP World in dalka Soomaaliya ka shaqeyso ayaa waxaa weli aamusan dowlada Puntland gaar ahaan Madaxweynaheeda Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo sanadkii 2017 heshiis ay ku maamuleyso dekada Boosaaso la soo galey shirkada P&O ee laga leeyahay dalka Imaraadka Carabta.

Shirkada P&O oo hoos timaada DP World ayaa maamulka dekada Boosaaso gacanta ku haysa kadib markii heshiis 30 sano ah la galeen Dowlada Puntland April, 2017.

Qaraarkaan lagu mamnuucayo shirkada DP World  ayaa waxaa maalintii shaley ansaxiyey aqalka sare ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya kasoo la sheegey inuu sugayo Madaxweyne Farmaajo saxiixiisa si uu sharci u noqdo.

Aqalka sare oo wakiil ka ah maamulada Soomaliya ayaa sida GO wararka ku helayo Xildhibanada kasoo jeeda maamulka Puntland intooda badan iyo Somaliland lagaga adkaadey codbixin loo qaadey qaraarkaan.

Kulankii maalintii shaley xukuumada Puntland ku yeelatey magaalada Garoowe kasoo shir gudoominayey Madaxweyne Gaas ayaa warsaxafadeed kasoo baxay gabi ahaanba lagu soo hadal qaadin isbadalada siyaasadeed ee ka socda magaalo madaxda Soomaaliya gaar ahaan mamnuucida lagu sameeyey shirkadaan.

Heshiiska Madaxweyne Gaas la galay shirkada P&O ayaa waxaa sidoo kale ansaxiyey Barlamanka Puntland oo madaxdiisa ugu sareysa sidoo kale weli ka aamusan tahay mowqifkooda ku aadan go’aanka Barlamanada Soomaaliya.

” Lama oga sababta Gaas u aamusan yahay balse arintaan waxay ka tarjumeysaa tan iyo intii uu xilka hayey hoos u dhaca ku yimid maqaamkii siyaasadeed ee Puntalnd.” Sidaas waxaa GO u sheegey siyaasi ku sugan magalaada Garoowe oo ka gabasadey in aan magaciisa xusno.

Magaalada Boosaaso ayaa sidoo kale waxaa kulan ku yeeshey qaybo kamid ah odayasha gobolka Barri kuwasoo taageerey go’aanka Barlamanada Soomaaliya.

Shirkada P&O ayaa weli ka hadlin in go’aanka shirkada DP World lagu mamnuucey uu saameyn ku yeelanayo howlaha P&O ay ka wado dekada magaalada Boosaaso.

Madaxa shirkada DP World oo la hadlay saxaafada go’aanka Barlamanada Soomaaliya kadib ayaa sheegey in go’aankoooda uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin Heshiiska ay la galeen maamulka Somaliland iyo Ethiopia balse ma soo hadal qaadin kan Boosaaso.

Madaxweynaha Somaliland ayaa horey ganafka ugu dhuftey go’aan aqalka hoose ee Soomaaliya ku mamnuucey in shirkada DP world ka shaqeyso dalka isagoo sheegey in maamulkiisu ka madax banaan yahay Jamuuhriyada Soomaaliya.

Muuse Biixi oo casumaad rasmiya ka heley dalka Imaraadka Carabta diidmadiisa kadib ayaa sida warar laga helayo magaalo madaxda dalkaas waxaa uu heshiis lagu tababarayo ciidamada booliiska iyo milatariga Somaliland la galay dalkaas.

Xiriirka dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Imaraadka Carabta u dhexeeya ayaa gaarey heerkii ugu hooseeyey kadib markii uu saameyn ku yeeshey calaaqaadka xumaadey ee wadamada Khaliijka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidamada Difaaca Puntland oo Helay Xabaalo Daacish ku aastay hogaamiyaasha laga dilay

Waxay ahayd difaacii ugu ballaarnaa, marka laga reebo Dhasaan ilaa Miiraale, oo horey gacanta loogu dhigay.

  • Puntland

    24-02-2025

  • 09:19AM

Puntland oo beenisay inay diiday taageeradda dowladda Soomaaliya ee dagaalka ISIS

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka maqneyd dhacdooyinkaas, iyadoo kaliya dib u hurinaysa khilaafaadka siyaasadeed ee Puntland.

  • Puntland

    22-02-2025

  • 09:39AM