Guddoomiyaha Barlamanka Puntland oo Nigeria u dhoofay

Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Barlamanka Puntland, Axmed Cali Xaashi ayaa maanta u dhoofay dalka Nigeria, halkaasoo ay ku joogi doonaan booqasho qaadan doonta Shan Cisho.

Guddoomiyaha waxaa socdaalkan ku weheliya xubno katirsan Barlamanka iyo qaar kamid ah shaqaalaha golaha shacabka Puntland.

Socdaalkan oo ahaa mid aan horay loo sii sheegin ayaa la xariira aqoon kororsi Xildhibaanada Puntland kasoo qaadan doonaan dhigooda Nigeria gaar ahaan barnaamijka Federaalka.

Axmed Cali Xaashi oo warbaahinta kula hadlayay garoonka diyaaradaha Canoco, ayaa sheegay in Barnaamijkan ay Barlamanka Puntland kala shaqeeysay Qaramada Midoobay islamarkaana la xariiro sidii ay Nigeria ugasoo qaadan lahaayeen khibrad iyo aqoon ku saabsan Barnaamijka Federalism-ka ee laga hirgaliyay dalka Soomaaliya.

Saxaafadda oo Guddoomiyaha wax ka weydiisay inay jiraan cid katirsan dowladda dhexe oo socdaalkan ku wehelisa wuxuu sheegay inuu ku koobanyahay Puntland, isagoo intaas ku daray inay u madax bannaanyihiin wixii aqoon ah ee ay soo qaadanayaan.

Socdaalka Axmed Cali Xaashi, ayaa kusoo beegmay saacado kadib markii uu warbaahinta u sheegay in golaha Xildhibaanadu kasoo hor jeedaan daandaansiga Somaliland ka wado qaybo kamid ah dhulka maamulkan islamarkaana ku baaqay dagaal ka dhan ah xukuumadda Hargaysa.

Guddoomiye Xaashi iyo Xildhibaanada la socda ayaa caawa ku sugan Muqdisho, waxaana safarkooda Xamar kusoo beegmayaa xilli xiriir wanaagsa ay leeyihiin Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Axmed Cali Xaashi, halka uu jiro khilaaf u dhaxeeya Aqalka sare iyo kan hoose ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ciidamada Difaaca Puntland oo Helay Xabaalo Daacish ku aastay hogaamiyaasha laga dilay

Waxay ahayd difaacii ugu ballaarnaa, marka laga reebo Dhasaan ilaa Miiraale, oo horey gacanta loogu dhigay.

  • Puntland

    24-02-2025

  • 09:19AM

Puntland oo beenisay inay diiday taageeradda dowladda Soomaaliya ee dagaalka ISIS

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka maqneyd dhacdooyinkaas, iyadoo kaliya dib u hurinaysa khilaafaadka siyaasadeed ee Puntland.

  • Puntland

    22-02-2025

  • 09:39AM