Puntland: Goobo cod-bixin iyo diiwaan-gelin oo la asteeyay

Image

GAROWE, Puntland – Guddiga ku meelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa Axada maanta ah wuxuu soo bandhigay Seejooyinka iyo Goobaha Diiwaangelinta Codbixiyayaaasha Degmooyinka Qardho, Eyl iyo Uffeyn.

Sidda ku xusan qoraal kasoo baxay guddiga kaasoo lagu faafiyey ciwaanadda uu ku leeyahay baraha bulshadda, baahintan waxay ka dambeysay ka gedaal markii uu guddiga shalay si wadar ogol ah u meelmariyey goobahaas.

Puntland ayaa isku diyaarineysa in doorashooyinka dowladaha hoose iyo baarlamaanka ay ku gasho nidaamka xisbiyada badan kaasoo ay kaga gudbeyso nidaamka awood qeybsiga beelaha oo ay ku dhaqmeysay sanadihii dambe.

Kadib marka labadaas doorasho ay ku qabsoomaan habka qof iyo cod, waxaa lagu waddaa in madaxweynaha uu ku yimaado coddeynta dadka shacabka ah.

Hadii uu hirgalo barnaamijkan oo qeyb ka ah dimuqraadiyeynta, Puntland ayaa noqoneysa maamulkii ugu horeeyay ee qeybta ka ah federaalka Soomaaliya ee ku guuleysta qabashada qof iyo cod oo dowladda federaalka ay ku fashilantey.

Iyadda oo horey kaalin weyn uga cayaartay in nidaamka federaalka uu ku baaho guud ahaan Soomaaliya, haddana Puntland ayaa mar kale waxay qarka u saaran tahay in ay horboodo nidaamka xisbiyada badan oo curdun ka ah Soomaaliya.

Maadaama dhaqaalo fara badan uu ku baxayo hirgelinta barnaamijkan, meesha kama marna taakulada deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, balse waxaa barbar socda miisaaniyad gaar ah oo xukuumadda Puntland ay u qoondeysay.

Hoos ka akhriso qoraalka guddiga

May be an image of text that says 'TRANSITIONAL PUNTLAND ELECTORAL COMMISSION (TPEC) GUDDIGA KUMEELGAARKA EEDOORASHOOYINKA PUNTLAND Head Quarters: Wadajir, Garowe Baahin Seejooyinka il:tpe@tpec.pl.so www.tpec.pl.sc Warsaxaafadeed: Goobaha Diiwaangelinta iyo Uffeyn Guddiga KMG ee Doorashooyinka ayaa wuxuu ansixiyey Seejooyinka doorashada goobaha diwaangalmta codbixiyayaasha degmo Qardho, Ufeyn. Goobaha loo asteeyay codbixinta diiwaangalinta degmooyinka sidaan hoos qoran: Degmooyinka Qardho, Eyl Magaalada Seejooyinka Qardho Goobaha diiwaangalinta codbixiyaha Yaka Yaka Yaka Hel Qormo * Adisoone Canbaar Sare Sare Xudun Reer Guudcad Dhaxan-Karin Qalwo Kubo 16. Gacan Libaax 18, Kergoble Suuqa Kaambo 20. 21. Calanlay Shimbiraa Camp 20. Shimbiraale Tuur Qarxis Tuur el-madoobe Badey Maraya asbahale Dhanaane Xasbahale YOur Right HONT utute'

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Guulihii ugu dambeeyay Ciidanka Puntland ka gaareen Dagaalka Daacish

 Maalmaha soo socda waxaa laga yaabaa in la arko dhammaadka Daacish ee Puntland, sida uu sheegay sarkaal Ciidan.

  • Puntland

    25-01-2025

  • 06:01PM

Soomaaliya: Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha howlgalka Gobolka Bari

Axmed ayaa sheegay in hawlgalka milateriga ee ugu dambeeyey, oo diiradda saaraya buuraha Cal Miskat ee gobolka Bari, uu socday ilaa Isniintii.

  • Puntland

    22-01-2025

  • 02:22PM