Puntland iyo Jubaland oo ka hadlay geerida Yuusuf Xaaji

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa ka tacsiyeysay geerida wasiirkii hore ee gaashaandhiga Kenya, Senator Maxamed Yuusuf Xaaji, sidda lagu sheegay qoraal lagu daabacay barta Facebook ee Madaxtooyadda maamulkan xaruntiisa ay tahay magaaladda caasimadda ah ee Garowe.

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Dowladdaba waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Senator Maxamed Yuusuf Xaaji, Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga ee Kenya," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "AHUN Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa ahaa odey Soomaaliyeed oo waxbadan ugu fadhiyay Soomaalida ku nool iyo kuwa ka ganacsada dalka Kenya, oo uu aad ugala soo shaqeeyay arrimahooda gaarka ah iyo marxaladdaha soo wajaha noockasta ay yihiin".

"Senator Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa ka mid ahaa Siyaasiyiinta Soomaalida ee muddada dheer kusoo dhex jiray Maamulka Dowladda iyo Siyaasadda Kenya. Isagoo kasoo billaabay heer Degmo, Gobol, Xildhibaan Baarlamaan illaa uu gaaray 2008-2013 in uu noqday Wasiirka Gaashaandhigga, Yuusuf Xaaji wuxuu hadda uu geeriyooday isagoo ah Senatorka laga soo doorto Ismaamulka Gaarisa," ayaa la raaciyey war-saxaafadeedka.

Qoraalka ayaa lagu soo gabagabeeyay: "Madaxweynaha Puntland waxa uu tiiraanyada geerida la wadaagayaa Soomaalida ku nool dalka Kenya, Dowladda iyo Shacabka, ehelkiisii iyo asxaabtiisii , wuxuuna Marxuumka Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro , Jannatul fardawsana ka waraabiyo Aamiin".

Dhanka kale, Jubaland ayaa ka tacsiyeysay geerida marxuumka, waxaana ay EBBE u waydiisay in uu ka waraabiyo naxariistiisa Janatul Firdowsa.

"Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam waxaa uu ka tacsiyaynayaa geerida ku timid Allah ha u Naxariistee Sen: Maxamed Yuusuf Xaaji oo ku geeriyooday Magaalada Nairobi," ayaa lagu daabacay barta Facebook ee Madaxtooyadda Jubaland.

War-saxaafadeedka ayaa la raaciyey: "Madaxweynaha ayaa sheegay in marxuumku uu ahaa shaqsi dadaal badan ku bixiyay Hormarka iyo Nabad ku wada noolaanshaha Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya isagoo sidoo kale xilal kala duwan kasoo qabtay dalkaas. Waxaa Madaxweynahu uu si gaar ah tacsi ugu diray ehelkii iyo qaraabadii uu marxuumku ka baxay".

Xaaji waa aabaha dhalay Nuuradiin Xaaji, dacwad-oogaha guud ee Kenya kaas oo magaciisa uu sarre ugu kacay markii uu musuqmaasuq u maxkamadeeyay siyaasiyiin xilal sarrey haya.

Iyadda oo uu ku dhintay da'da 80-sano jir, Mr Xaaji ayaa bishii Decemebr, 23-keeda sanadka markii uu ahaa 1940-kii wuxuu ku dhashay ismaamulka Gaarisa ee dhaca waqooyi barri waddanka Kenya kaasoo xuduud la leh Soomaaliya oo ay ka dagaalanto maleyshiyadda hubeysan ee Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Guulihii ugu dambeeyay Ciidanka Puntland ka gaareen Dagaalka Daacish

 Maalmaha soo socda waxaa laga yaabaa in la arko dhammaadka Daacish ee Puntland, sida uu sheegay sarkaal Ciidan.

  • Puntland

    25-01-2025

  • 06:01PM

Soomaaliya: Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha howlgalka Gobolka Bari

Axmed ayaa sheegay in hawlgalka milateriga ee ugu dambeeyey, oo diiradda saaraya buuraha Cal Miskat ee gobolka Bari, uu socday ilaa Isniintii.

  • Puntland

    22-01-2025

  • 02:22PM