Puntland: Taliye Gorod oo booqanaya xerada 54aad

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Cabdiweli jaamac Xuseen(Gorod) oo shalay soo gaaray magaalada Garoowe ayaa saaka booqanaya xerada ciidamada Daraawiishta Puntland ee 54aad.

Gorod ayaa la kulmaya ciidamadii Puntland ku wareejisay dowladda dhexe islamarkaana loo qorsheeyay inay kamid noqdaan ciidamada dalka kuwaasoo gaaraya 2,400 oo Askari.

Waxaa la filayaa inuu khudbad u jeediyo isagoo u faah faahin doona qorshaha laga leeyahay isku dhafka ciidamada iyo qaabka ay u wada shaqayn doonaan.

Warar GO ka helayo xeradaas ayaa sheegaysa inay ka socoto qaban-qaabada soo dhaweynta wafdiga ka socday dowladda Federaalka.

Socdaalkan waxaa ku weliya Taliyaha saraakiil katirsan Wasaaradda Gaashaandhigga iyo ciidamada xoogga dalka.

Waa markii ugu horaysay ee uu yimaado Puntland taliye Gorod tan iyo markii dhawaan laga dhigay taliyaha ciidamada dowladda Soomaaliya, wuxuuna yimid kadib markii 2 todobaad ka hor Puntland wareejisay ciidamo ay sheegtay inay kamid noqon doonaan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya islamarkaana hadda kadib ay wixii xuquuq ku leeyihiin dowladda dhexe.

Waqtigii la wareejinayay waxaa goob joog ahaa, wasiir ku-xigeenka wasaaradda Gaashaandhiga dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, waxaa shalay u tagay ciidamada 54aad Madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo saraakiil ka socotay hay'adaha caalamiga ah ee ka shaqaynaya isku dhafka ciidamada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM