Puntland: Qarax culus oo ka dhacay Boosaaso

Image

BOSAASO, Puntland - Qarax culus ayaa goordhaw ka dhacay magaalada Boosaaso, ee xarunta gobolka Bari, xilli uu maalintii labaad xiran yihiin Ganacsigii magaalada iyo Dekedda.

Goob-jooge ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in qarax uu ahaa mid lala eegtay gaari ay wateen Askar katirsan Ilaalada Madaxtooyda Puntland xilli uu marayay halka loo yaqaanoo Nedco oo ku dhaw Dekedda Boosaaso.

Mid kamid ah Dhaqaatiirta ka howlgala Isbitaalka Guud ee Boosaaso ayaa u xaqiijiyay GO in qaraxa ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 6 Askari, oo saddex kamid ah dhaawacooda uu culus yahay.

Dhowr qof oo shacab ah oo goobta ka agdhawaa ayaa sidoo kale ku dhaawacmay qaraxa, oo la sheegay inuu ahaa Bam gacmeed lagu dhuftay Gaariga ciidan. Boolis ayaa goobta gaarey waxayna wadaan baaritaan.

Qaraxan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalintii labaad uu xiran yahay dhaq-dhaqaaqa Ganacsiga magaalada Boosaaso, islamarkaana qeybo kamid ah magaalada laga maqlayo rasaas goog-goos ah.

Ganacsatada ayaa xiray xaruumahooda ganacsiga maalintii shalay, kadib markii dowladda ay kordhisay qiimaha khidmooyinka laga qaado badaaceadaha kala duwan ee kasoo daga Dekedda Boosaaso.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM