Xasan Shire oo dhaleeceyn culus u jeediyey Deni iyo Juxa

Image
Wasiirkii hore ee maaliyadda dowladda Puntland ayaa ka hadlay xafladda xilwareejinta oo ka dhacdey Garowe.

GAROWE, Puntland - Munaasabada Xilwareejinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa Khamiista maanta ah waxa ay ka dhacdey hoolka weyn ee wasaaradda ee magaala madaxda maamul goboleedka ee Garowe.

Xasan Shire Abgaal, wasiirkii hore ee wasaaradda, ayaa xilka ku wareejiyay wasiirka cusub Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo lagu badalay kadib wareegto uu soo saarey madaxwayne Saciid Deni.

Shire oo ka hadlay munaasabadda ayaa shaaca ka dhigay in dadweynaha Puntland aysan aqbalin kadin "doorasho qof iyo cod ah oo shaqsiyaad ay ku raadinayaan sad-bursi iyo muddo kororsi".

"Ma dhacayso in 12 degmo doorasho ka dhacdo iyadoo la raadinayo sadbursi iyo in xilka lagu dheeraysto," ayuu yiri isaga oo u muuqda mid duraya ololaha cusub ee madaxwayne Deni bilaabay.

Eedeyn ka dhan ah Deni

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Shire ayaa si aan gambasho lahayn wuxuu ugu eedeeyay madaxweynaha dowlada Puntland "in uu xilalka ka qaadey dhamaan siyaasiyiintii dhistey" xilligii ololaha.

"Madaxweynuhu wuxuu meesha ka saaray team-kii dhisay oo madaxweynaha ka dhigay oo kursiga ku fariisiyay wuxuuna xilka u dhiibay team-kii u campaign gareeyay kaliya wasiirka cusub ee arimaha gudaha xiligii uu musharaxa ahaa, Meesha koox ba la laga saaray koox kalena wa la soo galiyay," ayuu hoosta ka xariiqay.

Dhanka kale, wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Cabdifaarax Saciid Juxa, ayuu xasuusiyey in uu horey u duray geedi-socodka dimuqraadiyadda Puntland wuxuuna su'aal geliyey sida uu hadda uga shaqeyn karo.

“Wasiir Juxa wuxuu horey u yiri dimuqraadiyaddii Puntland waa saqiirtay, saqiirkana waa la aasaa; hadda wuxuu leeyahay saqiirkii baan soo nooleynayaa,waana wax aan suurtagal ahayn," ayuu tibaaxay.

Dhaleeceynta Juxa

Sidoo kale, Xasan Shire oo sii hadlaya ayaa wuxuu raali-gelin u direy Isimada dhaqanka Puntland kuwaasoo uu carabka ku adkeeyay in uu horey "gaf weyn" uu u geystay wasiir Juxa.

"Isimada dhaqanka waxaan xaal ka siinayaa hadalkii aan u qalmin oo [kasoo yeeray wasiir Jux] kuna tilmaamey in ay yihiin qow-saarro," ayuu ka sheegay isla munaasabadda xil-wareejinta.

Puntland ayaa u muuqata in ay galeyso mar-xalad cusub oo siyaasadeed taasoo horudhac u ah ololaha doorashadda 2024-ta ee madaxwayne Deni uu doonayo in uu ku galo isaga oo fuliyey balamihii uu horey ka gaabiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland: Saxida khaladaad ka jiray qaadista canshuuraha oo laga shiray

Guddoomiyaha Guddiga Goobta shaqada ee Wasaaradda Maaliyadda ahna Agaasimaha guud ayaa guddoomiyay shirkan.

  • Puntland

    13-10-2024

  • 05:20AM

Deni oo daahfuray deeq waxbarasho ay Dowladda Puntland bixisay

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda, Maamulka Jaamacadda Bariga Africa , Golaha deegaanka ee degmada Boosaaso iyo Marti sharaf kale.

  • Puntland

    06-10-2024

  • 01:12PM