Aqalka sare oo ka doodi doona khilaafka maamulada Soomaaliya iyo DF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Xildhibaanada aqalka sare ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa wararka GO ka helayo sheegayaan in ajendayashooda ku dareen iney ka doodaan khilaafka ka dhexjira maamulada Soomaaliya iyo dowlada Federaalka kaasoo maraya heerkii ugu sareeyey.

Warsidaha GO oo la hadlay qaar ka tirsan Xildhibaanada ayey u sheegeen in laga doodayo qodobada ku jira warmutiyeedyadii ugu dambeeyey ee kasoo baxey maamulada Soomaaliya kuwasoo ka hadlayey qodobo masiiri ah kuwasoo u baahan in laga gaaro xaal waara.

Golaha ayaa la filayaa sida Garowe Online fahansan yahay iney go'aan ku gaaraan iney magacaabaan guddiyo dhexdhexaadiya labada dhinac. Aqalka sare ee Barlamanka Federaalka oo ka kooban 54 xubnood ayaa ka mudanyaashiisa waxaa soo magacaabey maamulada Soomaaliya.

Xiriirka u dhexeeya maamulada Soomaaliya iyo dowlada Federaalka ayaa xumaadey tan iyo intii Madaxweye Farmaajo xilka wadanka qabtey iyadoo la rumeysan yahay inuu qayb ka yahay agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yasiin oo isagu markii uu ka shaqeynayey dalka Qadar ( Talefishinka Al Jazeera) aan qarsan diidamdiisa ku aada nidaamka Federaalka.

Barlamanada Federaalka Soomaaliya ayaa dib u dhigey kulan Madaxweyne Farmaajo damacsanaa inuu la qaato maanta 21 October, 2017 labada aqal oo wada jira kadib markii kulan uu la qaatey Gudoonka labada Gole.

Aqalka sare ayaa u balansanaa dooda qodobadaan maanta balse dib loo dhigey kadib markii balantii Madaxweynaha ee baaqatey soo dhexgashey iyadoo Xildhibaanada qaarkood shegayaan in codsigaan uu ahaa mid siyaasdeed ee lagu baajinayey in Barlamanka ka doodo qodobadaan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM

Nidaamka cusub E‑Visa ee Soomaaliya oo abuuray jahwareer iyo khilaaf cusub

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku doodaysa in nidaamka cusub uu yareyn doono hawsha maamulidda socdaalka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 06:48AM