Awoodaha federaalka iyo maamulada oo la kala xadeynayo

Image
Warsidaha Garowe Online ayaa waxa uu arkay nuqul kamid ah dukumiintiyada wadaxaajoodyadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa Isniinta maanta ah waxaa ka furmay magaalada Muqdisho. Waxaa xaadiray dhammaan madaxda maamul goboleedyada oo uu xitaa ka mid yahay madaxweynaha ay xiisadda colaadeed haysato ee Cabdicasiis Laftagareen.

Shirkan ayaa si gaar ah looga wada hadlayaa laba qodob oo ka haray shirkii hore, kuwaas oo dhinacyada ay dib ugula noqdeen dadkooda, haddana miiska la yimaadeen iyaga oo soo lafogurey.

Qodobadan oo ay si rasmi ah u faafisay Madaxtooyadda ayaa kala ah kala xadaynta awoodaha dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, iyo federaalaynta garsoorka.

GO oo aragtay mid ka mid ah dokumendiyada laga doodayo ee dhanka awood qeybsiga ayaa waxaa muuqata in dowladda federaalka si buuxda loogu dhaafay arrimaha dibedda.

"Balse waxaa la kala qeybsanayaa inta badan arrimaha kale sidda difaaca," ayay warsidaha Garowe Online u sheegeen illo wareedyo aad loogu kalsoonaan karo kuna dhow wadaxaajoodyadda.

Dowlad goboleedyada ayaa, sidda ay xogta muujineyso, waxaa dhankooda ay qaateen awoodo kale oo badan, balse kormeerka waxaa la siiyay dowladda federaalka. 

Lama ogga in la baahin doono faahfaahinta qodobada lagu heshiiyay ama in kaliya lasoo bandhigi doono war saxaafadeed kooban, balse waxaa hubanti ah in qodobada laga hadlay ay yihiin kuwa aad u badan, inkasta oo ay jiraan waxyaabo aan xiligooda la gaarin. 

"Xitaa waxaa laga hadlay qodob si weyn u quseyn doona warbaahinta kaas oo ah xuquuqda dhawrista xogta oo la siiyay dowladda federaalka Soomaaliya," ayay raaciyeen illo wareedyadda.

Hogaan walba oo yimaada xukunka Soomaaliya waxa uu isku-dayaa in uu wax ka badalo siyaasadihii xafiiska uga horeeyay isla markaana uu la ekeysiiyo sidda maamulkiisa kusii jiro karo waxaana taas ay curyaamisay dhismaha hay'adaha dowliga ah sarrana u qaadey wax is-dabamarinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM