Baarlamaanka oo go'aan ka gaaraya Kiiskii Qalbi-dhagax

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Gollaha Shacabka ayaa waxay maanta go'aan ka gaarayaa Kiiskii Cabdikariin Muuse Qalbi-dhagax, oo Xukuumadda u gacan gelisay bishii August, 2017 dowladda Itoobiya.

Gudiga arrimaha amniga iyo xiriirka dibadda ee Baarlamaanka oo loo xilsaarey baaritaanka arinta Qalbi-dhagax ayaa warbixin ka jeedin doono Baarlamaanka, iyadoo Xildhibaanada ka doodi doonaan waxay ka yeelayaan go'aankii Xukuumadda ee wareejinta sarkaalkan katirsanaa ONLF.

Su'aalla ay Xildhibaanada waydiinayaan Gudiga baaritaanka:

1 - Ma ahayd mid sharci ah wareejinta Qalbi-dhagax?

2 - Maxay Soomaaliya u aqoonsan tahay Ururka ONLF?

3 - Yaa qaatey go'aanka Qalbi-dhagax loogu gacan geliyay Itoobiya?

4 - Ma jiraa heshiis is-dhaafsi dembiiliyaasha oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya?

5 - Dowladda Itoobiya qeyb maka qaadatey baaritaanka Gudiga?

Mudo saddex jeer oo hore ayuu u baaqday dood Gollaha shacabka ka yeelan lahaa wareejinta Qalbi-dhagax, laga soo billaabo bishii October, iyadoo ay jireen culeyso badan oo kiiskan ku hor-gudbanaa.

Wararka hoose oo Warsidaha Garowe Online helayo ayaa sheegaya in ay u badan tahay in Xildhibaanada ay taageeri doonaan go'aankii Xukuumadda ay Qalbi-dhagax ugu gacan gelisay dowladda Itoobiya.

Cabdikariin Qalbi-dhagax ayaa wareejintiisa waxay Xukuumadda u cuskatay inuu katirsanaa saraakiisha ONLF, sidoo kalena xiriir la lahaa Al Shabaab iyo heshiis dhinac is-dhaafsiga dembiiliyaasha oo la sheegay in Xukuumadii hore la gashay dowladda Itoobiya.

Lama oga in Baarlamaanka uu bulshada la wadaagi doono xogta waxa kasoo baxay Baaritaanka Kiiska Qalbi-dhagax, oo bulshada aad u hadal hayeen mudooyinkii dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM