Baarlamaanka oo go'aan ka gaaraya Kiiskii Qalbi-dhagax

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Gollaha Shacabka ayaa waxay maanta go'aan ka gaarayaa Kiiskii Cabdikariin Muuse Qalbi-dhagax, oo Xukuumadda u gacan gelisay bishii August, 2017 dowladda Itoobiya.

Gudiga arrimaha amniga iyo xiriirka dibadda ee Baarlamaanka oo loo xilsaarey baaritaanka arinta Qalbi-dhagax ayaa warbixin ka jeedin doono Baarlamaanka, iyadoo Xildhibaanada ka doodi doonaan waxay ka yeelayaan go'aankii Xukuumadda ee wareejinta sarkaalkan katirsanaa ONLF.

Su'aalla ay Xildhibaanada waydiinayaan Gudiga baaritaanka:

1 - Ma ahayd mid sharci ah wareejinta Qalbi-dhagax?

2 - Maxay Soomaaliya u aqoonsan tahay Ururka ONLF?

3 - Yaa qaatey go'aanka Qalbi-dhagax loogu gacan geliyay Itoobiya?

4 - Ma jiraa heshiis is-dhaafsi dembiiliyaasha oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya?

5 - Dowladda Itoobiya qeyb maka qaadatey baaritaanka Gudiga?

Mudo saddex jeer oo hore ayuu u baaqday dood Gollaha shacabka ka yeelan lahaa wareejinta Qalbi-dhagax, laga soo billaabo bishii October, iyadoo ay jireen culeyso badan oo kiiskan ku hor-gudbanaa.

Wararka hoose oo Warsidaha Garowe Online helayo ayaa sheegaya in ay u badan tahay in Xildhibaanada ay taageeri doonaan go'aankii Xukuumadda ay Qalbi-dhagax ugu gacan gelisay dowladda Itoobiya.

Cabdikariin Qalbi-dhagax ayaa wareejintiisa waxay Xukuumadda u cuskatay inuu katirsanaa saraakiisha ONLF, sidoo kalena xiriir la lahaa Al Shabaab iyo heshiis dhinac is-dhaafsiga dembiiliyaasha oo la sheegay in Xukuumadii hore la gashay dowladda Itoobiya.

Lama oga in Baarlamaanka uu bulshada la wadaagi doono xogta waxa kasoo baxay Baaritaanka Kiiska Qalbi-dhagax, oo bulshada aad u hadal hayeen mudooyinkii dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Yurub oo badbaadiyay Markab Shidaal oo lagu afduubey Xeebaha Soomaaliya

Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa heerkii ugu sareeya gaarey 2011, iyadoo dhacay 237 weerar oo afduub ah.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 07:01AM

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir oo la eryay kadib fadeexadii Hooyada banaanka ku dhashay

Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbitaalka, Fartuun Shariif.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 06:05AM