CC Shakuur: Waa ayaan darro in Dowladnimadii ay jabhadayn isku bedeshay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee [NISA], ayaa galabta Xabsiga kasoo daysay Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir iyo Xoghayihiisa Sayid Cali Maclin oo maanta duhurka ay xireen ciidamada dowladda.

Siyaasiyiintan hogaanka u ah Xisbiga Wadajir ayaa laga soo qabtey Hotel-ka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ugu galeen ciidamada NISA xilli ay kulan qado ku lahaayeen.

Cabdiraxmaan Cabdishkuur, oo ah aas-aasaha Xisbiga mucaaradka ah ayaa xaqiijiyay sii deynta Kamaal Guutaale iyo Sayid Cali, isagoo qoraal bartiisa Facebook kusoo qoray ku cambaareeyay xarigooda oo uu sharci darro uu ku tilmaamay.

"Waa ayaan daro in sharcigii iyo dawladnimadii ay jabhadayn isku bedeshay," ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishkuur.

Dowladda kama aysan hadlin xariga sababta ka dambaysa, kaasi oo kusoo beegmaya xilli Kamaal Guutaale oo horey usoo noqday Agaasiimaha Villa Soomaaliya uu shaaciyay dhawaan inay dacwad ka gudbiyeen mas'uuliyiintii ka dambeeyay weerarkii xarunta Xabisga.

Cabdiraxmaan Cabdishkuur oo dhawaan laga soo daayay xabsiga, ayaa wali wado inuu Baraha bulshada uu ku leeyahay soo dhigo qoraallo uu ku weerarayo Siyaasadda Xukuumadda Khayre iyo Xafiiska Madaxweynaha.

Siyaasigan oo lasoo tartamaya Farmaajo doorashadii 8-dii Febuary ayaa lagu soo rogay xayiraad ah inuusan dalka ka bixi karin inta uu socdo baaritaanka lagu hayo ee ku aadan inuu dowlado shisheeye kasoo qaatey dhaqaalo uu ku duminayo dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Hal qodob ayaan ka qaadanay war-murtiyeedkii shirka Kismaayo

Wuxuu tilmaamay in dowladda Federaalka ay mar walba u taagan tahay dhegeysiga aragtiyada kala duwan ee siyaasadeed.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 08:37AM

Gollaha Ammaanka oo Mudo Kordhin u Sameynaya Howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Si kastaba ha ahaatee, qoraalka ugu dambeeya ayaa la sheegay inuu xaqiijinayo in howlaha UNTMIS ay dhammaan doonaan 31 October 2026.

  • Soomaliya

    23-12-2025

  • 12:15PM