Ciidamada DFS ayaa hawlgallo ka fuliyay deegaan ay dhawaan weerareen kooxda "AS"

Image

GURICEEL, Soomaaliya - Ciidamada Xoogga Dalka ayaa maanta howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanka Bari-ujeed ay shalay soo weerareen ururka "AS", iyada oo ay jirtay Khasaare xooggan.

Ciidamada ayaa gaadiid dagaal oo kala duwan waxa ay ku soo daadiyeen deegaanada ku dhow dhow deegaanka Bari-ujeed oo ku teedsan wadada xiriirisa deegaanada Guriceel iyo Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Howlgalkaan ayaa waxa uu jawaab u yahay weerarkii xubnaha “AS” ay ku qaadeen deegaanka Bari-ujeed, waxaana ujeedkooda uu yahay in la xoreeyo deegaanada ay “AS” u adeegsato weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in ay sii laba jibaari doonaan howlgallada maalmaha soo socda, illaa ay gacanta ku dhigaan dhammaan deegaannada dhaca bariga gobolka Galgaduud, sida Ceelbouur & Galhareeri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Ciidamada Puntland oo dilay xubno Daacish katirsan

Ilo madax bannaan ayaa xaqiijiyay in Puntland ay ku weyday hal askari howlgalkaasi ka dhacay Calmiskaad.

  • Soomaliya

    29-09-2025

  • 01:46PM

Xasan Sheekh: Wadahadal baa ka galayaa Khilaafka Dastuurka iyo Doorashadda

Furitaanka kalfadhigan ayaa imaanaya iyadoo ay taagan yihiin khilaafaad siyaasadeed oo la xiriira hanaanka doorasho.

  • Soomaliya

    29-09-2025

  • 10:41AM