Ciidamada Uganda oo khasaare weyn kala kulmay howlgalka lagu qabtay Barire

Image

Barire, Soomaaliya – Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika (AUSSOM) ayaa khasaaro weyn kala kulmay dagaalkii lagu qabsaday deegaanka Barire Jimcihii, sida ay sheegeen ilo-wareedyo amni.

Ugu yaraan 17 askari oo ka tirsan Ciidanka Uganda [UPDF] ayaa lagu dilay dagaallada, iyadoo lix kamid ah ay ku dhinteen qarax gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo dhacay toddobaadkan. Inkasta oo khasaarahaasi uu culus yahay, ciidamada ayaa ugu dambeyn gacanta ku dhigay deegaanka.

Afar dagaalyahan oo ka tirsan al-Shabaab ayaa la qabtay intii uu socday weerarka ugu dambeeyay ee lagu qabsaday Barire, oo 50KM dhanka koonfur galbeed uga beegan Caasimadda Muqdisho. Ka hor inta aan Barire la qabsan, ciidamada dowladda iyo AUSSOM waxay dib u qabsadeen tuulooyinka Sahid iyo Anole oo ku dhaw Afgooye.

Tallaabada xigta ayaa ah weerarka lagu qaadayo magaalada Awdheegle, taas oo saraakiisha milatarigu ku sifeeyeen mid adag la wareegisteeda, balse ay muhiim tahay in gacanta lagu dhigo.

Haddii Awdheegle la qabsado, waxay dowladda u suurtagelinaysaa inay dib ula wareegto dhammaan shanta buundo ee muhiimka ah ee gobolka, isla markaana ay Al-Shabaab ku riixdo dhanka waqooyi ee wabiga Shabeelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warbixin: Doorashada Lagu Muransan Yahay ee Muqdisho oo Heer Cusub Gashay

Khilaafka ka taagan guddiga doorashada iyo qaabka loo maamulayo geedi-socodka doorashooyinka ayaa sidoo kale sii hurinaya hubanti la’aanta siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    17-08-2025

  • 01:27PM

Mucaaradka: Soomaaliya Waddo Qaldan Bay Ku Socotaa

Shariif Sheekh ayaa sidoo kale xukuumadda ku eedeeyay inay boobtay dhul dadweyne oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-08-2025

  • 09:30AM