Ciidamada Xasilinta oo howlgal gaar ah ka fuliyay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Xaslinta Caasimadda ayaa xalay howlgal gaar ah ka fuliyay xaafado katirsan magaalada Muqdisho, oo ay ka dhacayeen mudooyinkii dambe dilal qorsheysan iyo weeraro Askar lagu dilay.

Boqolaal qof, oo dhalinyaro u badan ayaa lagu soo qabtey howlgalka oo xoogiisa ka dhacay xaafadda Towfiiq, ee degmada Yaashqiid halkaasi oo xalay lagu dilay Askari katirsanaa Ciidanka dowladda iyo qof shacab ah.

Ciidamada ayaa baaritaan ku sameeyay guryaha ku yaalla Xaafadda Towfiiq, iyagoo kala soo baxay dhalinyaro badan oo ay uga shakiyeen inay la shaqeeyaan Kooxda Al-Shababaab, sida ay dadka deegaan u xaqiijiyeen Warsidaha Garowe Online.

Boqolaalka ruux ee lagu soo qabtay howlgalka ayaa lagu kala saarey meel barxad ah, iyadoo dhowr shaqsi oo laga shakiyay ay Ciidamada kasoo kaxaysteen goobta, kuwaasi oo la dhigay xabsi su'aallo lagu waydiinayo.

Howlgallada noocan ah ayaa mudooyinkii dambe ka socday Muqdisho, kuwaasi oo ay fulinayaan Ciidamada loo xilsaarey xasilinta Caasimadda kadib markii Al Shabaab kordhisay weerarada qaraxyada ah iyo dilalka.

Dowladda waxay kaloo Ciidamo dhigtay wadooyinka soo gala magaalada oo lagu baaro gaadiidka kala duwan ee ka yimaada gobollada dalka, gaar ahaan Shabeellaha Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Siyaasadda Soomaaliya oo gashay weji cusub oo qalalaase ah

Bayaanka ka soo baxay xildhibaanada ayaa lagu eedeeyay maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhowr qodob oo ay ka mid yihiin.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 05:24AM

Masar oo Kordhisay Doorkeeda Geeska Afrika, Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Qaahira

Kulankan ayaa imanaya kaddib booqashooyinkii dhawaan ee Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.

  • Soomaliya

    08-02-2026

  • 07:14PM