Ciidamadii ugu badnaa oo Mushaar la'aan uga soo baxay aagagii difaaca

Image
Image

JOWHAR, Soomaaliya - Ciidamo katirsan Militeriga dowladda Federaalka ayaa maanta soo faarujiyay aaggagii difaaca ee degaano katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararka laga helayo gobolka ayaa sheegaya in meelaha ay ciidamada ay kasoo baxeen ay kamid yihiin Garoonka diyaaradaha magaaladda Jowhar, Mahadaay, Raagga-Ceelle, Ceel-Baraf, Qalimow iyo Garsaale.

Dib u gurashada ciidamada iyo gadoodka ay ka sameeyeen mushaar la'aanta mudada billooyinka ah ayaa khatar gelinaysa amniga dalka, iyadoo ay u sahlayso Al-Shabaab inay dib u qabsato goobaha la faarujiyay.

Madaxda maamulka HirShabeelle ayaa la sheegay in qaarkood ay isaga soo carareen Jowhar iyagoo ka cabsi qaba in Al-Shabaab soo weerarto, maadaama ciidamada ay ka baxayaan difaacyada.

Si dhib leh ayaa Al-Shabaab looga saarey degaanada ay hadda dowladda maamusho ee Koonfurta Soomaaliya, waxaana xuquuq la'aanta ciidamada difaaca ay dhabar jab ku noqonayso guulihii sida adag lagu gaarey.

Ciidamada Kenya ayaa shalay ka baxay Busaar, oo noqonaysa magaaladii labaad ee ay baneeyaan gobolka Gedo, iyadoo durbadiiba Al-Shabaab la wareegtay.

Dalalka ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ayaa billaabey dhawaan in Askartooda la baxaan, maadama howlgalka AMISOM ay soo wajaheen caqabado badan oo ay kamid tahay dhaqaalaha ay ku howlgalaan oo Midowga Yurub iyo UN-ka meelo kale u weeciyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM