DF oo meel dhexe ka istaagtey khilaafka u dhexeeya dowladaha Khaliijka [AKHRI]

Image

MUQDISHU, Somalia- Qoraal deg deg ah oo kasoo baxay madaxtooyada dowlada Fedraalka Somalia ayaa lagu sheegey in Villa Somalia ka xun tahay khilaafka soo kala dhexgaley wadamada Carabta.

Qoraalkaan ayaa lagu sheegey in xalka khilaafka dhexmarey wadamada Khlaiijka lagu dhameeyo wadahadal kaasoo loo marayo wadamada Jaamacada Carabta iyo ururka iskaashiga Islaamka oo xubin ka tahay dowlada Federaalka ah.

Warsaxafadeedkaan ayaa sidoo kale lagu sheegey in dowlada Federalka diyaar u tahay iney qayb ka qaadato xalinta khilaafkaan

Hadalka dowlada Federaalka soo saartey ayaa imaanaya xilli wadamada Sucuudiga, Imaraadka, Masar, Yamen xiriirka u jareen wadanka Qatar.

Dhinaca kale dowlada Jordan ayaa hoos u dhigtey xiriirka diplomaasi ay la leedahay dalka Qatar iyadoo sidoo kale xirtey xafiiska Al Jazeera ku leedahay magaalo madaxda dalkaas.

Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Shiikh ayaa xiriirka u jarey dowlada Iran kadib markii dowlada Sucuudiga xiriirka u jartey dowlada Iran.

Hoos ka akhri waraaqda ka soo baxdey Villa Somalia 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM