Dhexdhexaadin Bilaabatey, Madaxweynaha Soomaaliya oo Safar Ka Baaqdey

Image

MUQDISHO- Guddi ka kooban xubno ka tirsan Aqalka Sare ee Barlamanka Federalka Soomaaliya oo loo xilsaarey xalinta khilaafka u dhexeeya garabyada ay kala hogaaaminayaan Mudanyaasha Golaha shacabka ayaa sida warsidaha GO ogaadey  bilaabey howlihiisa dhexdhexaadinta iyagoo kulamo la yeeshey habenkii xalay dhinacyada is-haya.

Xubin gudigaas kamid ah oo GO la hadlay ayaa sheegey iney habeenkii xalay la kulmeen labada garab ee Barlamanka kuwasoo kala hogaaminayeen Gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa waxeyna ka qaadeen saxiix ay ku ogolaanayaan in wadahadal laga bilaabo khilaafka taagan.

Garabka uu hogaminayo ku xigeenka kowaad ee Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federaalka ayaa waxaa xulufo ay la yihiin Ra’isal wasaare Khayre iyagoo mooshin ka keeney 14/03/2018 Afhayeenka Golaha Shacabka Maxamad Cismaan Jawaari.

Jawaari oo guddiga joogtada ee Barlamanka kulansiiyey waxyar kadib markii mooshinka laga gudbiyey ayaa warsaxafadeed ay ku qabteen Villa Hargeysa ku sheegey inuu jabey mooshinkii laga keeney Gudoomiyaha Barlamanka kadib markii 16 Xildhibaan ka noqotey go’aankoodii hore balse arinkaas waxaa ganafka ku dhuftey ku xigeenkiisa kowaad Cabdi Weli Sheekh Ibraahim Muudeey kaasoo ku timaamey sharci daro.

Gudoomiye Jawaari oo kulan saxafadeed qabtey 16/03/2018 ayaa ka noqdey go’aankiisa hore isagoo sheegey inuu ogol yahay mooshinka laga keeney hadii uu buuxinayo shuruudaha Xeer hoosaadka iyo Dastuurku qorayaan.

Hadalka Gudoomiyaha ayaa waxaa maalintii shaley ka jawaabey Xildhibaano u badan kuwo ka tirsan Golaha Wasiirada oo dabada ka riixaya mooshinka ka dhanka ah Jawaari iyagoo dalbadey inuu is-casilo madaama uu Xeer hoosaadka Golaha u yaal Jabiyey.

Dhinaca kale wararka aan ka heleyno kulamada Guddiga dhexdhexaadinta Aqalka sare la yeelanayo dhinacyada khilaafku ka dhexeeyo ayaa sheegaya in maanta la balansan yihiin Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaare Khayre kuwasoo kala hadli doonaan arimaha taagan.

Warsidaha GO ayaa sidoo kale ogaadey in Madaxweyne Farmaajo uu ka baaqdey safar uu ku tagi lahaa dalka Qadar sababo la xiriira khilaafka siyaasadeed ee dalka ka taagan.

Khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosmey xildhibaanada aqalka hoose ayaa salka ku haya muran u dhexeeya Ra’isal wasaare Khayre iyo Gudoomiye Jawaari.

Dadka aadka ugu dhow arimahaan ayaa sheegaya in labada mas’uul khilaafkoooda salka ku hayo oo kaliya loolan mid walba raadinayo inuu Kan kale xilka ka qaado balse aysan aheyn qadiyad la xiriirta danaha qaranka iyo sidii uu dib uga soo kaban lahaa burburka mudada badan haystey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM