Duqeyn lagu burburiyay Saldhig Al Shabaab [Imisaa lagu dilay]

Image

WANLWEYN, Soomaaliya - Militariga Mareykanka ayaa sheegay maanta oo Arbaco ah inay weerar kale oo cirka ah ay ka fuliyeen deegaan ay gacanta ku hayso Al Shabaab oo ku yaalla gobolka Shabeellaha hoose.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Africa [FARICOM], ayaa lagu sheegay in weerarka uu ka dhacay deegaan 96KM dhanka waqooyi galbeed uga beegan Muqdisho.

Wuxay ahayd Duqeyn ay fulisay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn [Drone], taasi oo bartilmaameedsatay xarun ay ku sugnaayeen Al Shabaab, waxaana ku dhintay dhowr xubnood.

Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle, ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in duqeynta Mareykanka ay ka dhacday Tuulada Iidow Jalaad, oo 30KM u jirta degmada Wanlaweyn.

Wuxuu intaasi ku daray in lix dagaalyahan oo Al Shabaab katirsanaa lagu dilay weerarka. Dhanka Al Shabaab wali kama soo bixin wax war ah oo ku aadan duqeynta Mareykanka uu sheegay.

AFRICOM ayaa sheegtay in weerarkan uu ahaa midkii 28-aad oo ay ka fuliyaan Soomaaliya sanadkan gudahiisa, kuwaasi oo lala eegtay Kooxaha Al Shabaab iyo dagaalyahanada xiriirka la leh Daacish ee ku sugan buuraha gobolka Bari, ee Puntland.

Madaxweyne Trump ayaa bishii Maarso ee sanadkan bixiyay amar lagu kordhinayo duqeymaha Al Shabaab, si looga hortago khatarta Kooxaha argagaxisada ee ku wajahan danahiisa geeska Africa.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo La Kulmay Dhibaato Ka Dhalatay Iskaashiga Itoobiya

Booqashadan ayaa timid kadib dadaallada dhexdhexaadinta ee Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ee bishii December 2024.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 11:56AM

Ciidanka dowladda Soomaaliya oo dilay in Ka badan 40 Xubnood oo ka Tirsan Al-Shabaab

Dowlada Maraykanka ayaa sidoo kale si joogto ah weeraro uga fulisa meelo ka mid ah Soomaaliya, si ay u baabi'iyaan goobaha Al-Shabaab ay ku leeyihiin.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 11:03AM