Fahad Yaasiin Daahir oo caddeeyay in la dilay Ikraan Tahliil

Image
Madax Soomaali ah iyo dalal ajnabi ah ayuu ku adkeystay "in ay wada fuliyeen shirqoolkan".

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa sheegay in "aakhiro iyo aduun" kiiska dilka Ikraan Tahliil Faarax "la waydiinayo" ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Cabdiraxmaan Al-Cadaala iyo Mahad Salaad.

"Ikraan xilligaas waxay raadineysay shaqo. Xafiiska ra'iisul wasaaraha ayay shaqo ka doonatay. Habeenkii la waayay waxaa gaari u soo diray Al-Cadaala oo u geeyay Mahad Salaad," ayuu tibaaxay.

Saddexdan mas'uul ee haatan kamid ah dowladda cusub ayuu ku eedeeyay "in ay lahaayeen farsamada, fududeynta iyo fulinta khaarijinta" sarkaalada ka tirsaneyd NISA. Masoo bandhigin caddeymo xoojinaya hadalkiisa.

"Mahad Salaad ayaa gaari ku qaadey oo geeyay xaafada Daaru Salaam kadib waxaa loo gudbiyey Jilib halkaas ayaana lagu dilay gacanta fulisayna waa Al-Shabaab," ayuu ku sharaxay

Mahad Karaatey oo kamid ah maleyshiyadda Al-Shabaab ayuu carabka ku adkeeyay "in uu kala shaqeeyay fulinta shirqoolkan". Hase ahaatee, xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida waa iska fogeeyeen eedeyntaan.

"Ujeedada laga lahaa waxay ahayd in khalkhal lagu abuuro laguna sumcad-xumeeyo magaca sirdoonka qaranka," ayuu xusay. "Karaatey waxay xiriir dhow ay leeyihiin Mahad Salaad oo hada madax ka ah NISA," ayuu sii raaciyey.

Dalal ajnabi ah ayuu ka shanqariyey in ay qeyb ka ahaayeen shirqoolkan. Balse, Fahad wuu ka gaabsadey in uu carabaabo. Mar la waydiiyey in ay yihiin Imaaraadka iyo Kenya, wuxuu ku jawaabay "aniga ma sheegin magacyadaas".

"Xogta aan haatan sheegayo waa 10% macluumaadka aan ka hayo kiiskan. Inta kale ee ka hartey waxaan la wadaagi doonaa hay'adaha sharciga ah," ayuu hoosta ka xariiqay Fahad oo ah gacanta midig ee Farmaajo.

Mucaaradka Soomaaliya ee haatan la wareegay talada dalka ayaa horey u sheegay in hay'adda sirdoonka qaranka oo uu hogaaminayo Fahad Yaasiin ay ka dambeeyeen dilka Ikraan oo ahayd madaxa amniga internet-ka hay'adda.

Marka laga yimaado xarig-jiidka siyaasiyiinta, illaa haatan ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijinta karta sheegashooyinka labada dhinac. Qoyska gabadha maqan ayaa wali raadinaya cadaalad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM