Farmaajo oo hay'adaha dowlada ka mamnuucay gelida heshiis
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo ayaa ka joojiyay Hay’adaha Dowladda ay galaan heshiis ama is af-garad kasta oo taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga waddanka.
Sida laga soo xigtay qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya, Farmaajo ayaa "talaabadan u cuskadey isaga oo gudanaya waajibaadka dastuuriga ah ee ka saran ilaalinta Hantida Qaran iyo madaxbannaanida dalkeenna".
"Madaxweynaha oo tixgelinaya duruufaha siyaasadeed iyo habsami u socodka hannaanka doorashooyinka dalka, waajibaadka dastuuriga ah ee Goleyaasha Barlamaanka oo leh hubinta, xaqiijinta iyo qiimeynta heshiisyada iyo is-afgaradyada dalkeenna uu la galayo dalalka kale, hay’adaha iyo shirkadaha caalamiga ayaa soo saaray qodobbada," ayay raacisay.
Qodobada ayaa waxay kala yihiin
- Waxaa Xeer Madaxweyne lagu hakiyey, ilaa doorashada kaddib, heshiisyada Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya sida Xukuumadda iyo laamaha kale ee fulintu ay la galayaan dalalka kale, Hay’adaha iyo shirkadaha caalamiga ah.
- Waxaa reebban, ilaa doorashada keddib, in Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee Dowladda ay magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya ku galaan is-afgarad ama wadahadallo saameynaya mustaqbalka dalka, madaxbannaanida qaranka, seeraha dhuleed iyo badeed ee dalkeenna.
- Waxaa la joojiyay in heshiis ama is-afgarad ganacsi lala galo dowlado kale inta doorashooyinka dalka lagu guda jiro.
- Sida ku caddeyd warsaxafaadeedkii kasoo baxay Madaxtooyada Jamhuuriyadda 19kii Jannaayo 2018 oo qeexayay inaan la bixin karin hantida danta guud, lana saxiixi karin heshiis kasta oo ku saabsan kala wareejinta, kireynta iyo qaab kasta oo la xiriira ka macaashka hantida danta guud.
- Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray dhammaan Hay’adaha Dowladda in ay ilaaliyaan sharafka, qarannimada iyo horumarka lagu tallaabsaday sanadihii u dambeeyay.
Talaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli la filayo in ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta lagu waddo in uu u socdaalo caasimada Kenya ee Nairobi halkaasoo warar soo baxay ay tibaaxayaan in uu kusoo galo heshiisyo badan.
Xiriirka Farmaajo iyo Rooble ayaa meel hoose maraya, iyadoo madaxweynaha xilkiisu dhamaadey aysan weli kulmin wasiirka koowaad tan iyo markii uu London kasoo laabtay bishii hore.
Garowe Online ayaa fahansan in Rooble uu isku dayay inuu meesha ka saaro Fahad Yaasiin, balse waxaa ka hor istaagay Farmaajo. Sidoo kale, Farmaajo ayaan wuxuusan ku qanacsaneyn safarka Rooble ee Kenya.
GAROWE ONLINE