Farmaajo oo Safarka Deg Dega ah ku tagaya dalalka Dariska

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa la filayaa in maanta uu Safarka Deg Dega ah ku tago dalalka Dariska.

Sarkaal katirsan Xafiiska Madaxweynaha, ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in Farmaajo uu booqan doono Uganda, Djibouti, iyo Eithiopia, isagoo kulan la qaadan doono dalalkaasi Madaxdooda sare.

Lugta hore ee Safarka Madaxweynaha ayaa ugu ambabaxaya wadanka Uganda, wuxuuna uga sii gudbi doonaa Djibouti, kadibna Eithiopia, hadii aan jadwalka socdaalkiisa wax iska bedelin.

Ujeedka safarkan oo qaadan doono mudo 4 ama 5 maalmood, ayaa ku qotama raadinta taageero Military, ay dowladda Farmaajo ka dalbanayso dalalkan uu booqanayo, si ay u qaado duulaan kama dambays ah, oo Al Shabaab dalka oo dhan looga sifeynayo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu dhawaan ku dhawaaqo Xaalad dagaal, isagoo shalay ka baaqday kulan uu la yeelan lahaa Labada aqal ee Baarlamaanka, oo arintaasi kala hadli lahaa.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo beegmaya, iyadoo xalay uu Madaxda dowlad goboleedyada ku casuumay Shir wadatashi ah, oo 28-ka bishan ka dhacaya Muqdisho, kaasi oo looga hadli doono xaaladda amni ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM