Farmaajo oo weerar afka ah ku qaadey DG xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed

Image

JUBA, South Sudan - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa eedeymo culus u jeediyay madaxda dowlad goboleedyada xilli ay socdaan dhex-dhexaadin iyo waan-waan lagu xalinayo khilaafka dalka jira.

Isagoo la hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed, ee ku nool magaalada Juba, ee caasimadda South Sudan, Farmaajo ayaa sheegay in maamullada wali aysan fahamsanayn waxa uu yahay nidaamka Federaalka.

Waxa uu tilmaamay Madaxweynaha in Federaalka aduunka ka jira uu yahay mid mamul goboleedyada ay qabtaan kaliya adeegyada bulshada, balse aaney awoodin inay ka shaqeeyaan siyaasadda dibadda.

Farmaajo ayaa xusay in madaxda dowlad goboleedyada ay faraha kula jiraan arrimo aaney khuseynin, sida inay isku dayayaan inay heshiisyo heer-qaran ah saxiixaan iyo inay la kulmaan madaxda caalamka.

"Dowlad goboleeyada waxaa laga doonayaa in adeegii bulshada ay gaarsiiyaan, hadii ay tahay waxbarasho, caafimaad iyo inay ka warqabaan dadka ay mas'uulka ka yihiin," ayuu yiri Farmaajo isagoo sharxaya nidaamka Federaalka ee adduunka ka jira.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in hogaamiyayaasha dowlad goboleedyada ay jecel yihiin inay safaro dibadda ah sameeyaan, oo heshiisyo caalami ah lasoo galaan dowladdo iyo shirkadda, iyagoo doonya inay qabtan howsha dowladda dhexe.

Farmaajo waxa uu ku tilmaamay hab-dhaqanka madaxda maamul goboleedyada ee is-barbar-yaaca siyaasadda arrimaha dibadda ay bixinayso sawir xun, oo ah in Soomaaliya wali ay fowdo siyaasadeed ka jirto.

Madaxweyne Farmaajo ayaa daboolka ka qaadey in hogaamiya-yaasha dowlad goboleedyada aysan jecleyn in isaga ay la kulmaan, islamarkaana ay taasi ka jecel yihiin inay la fariistaan madaxda caalamka.

Hadalka Farmaajo iyo eedeynta culus ee uu jeediyay ayaa kusoo beegmaysa xilli ay socoto waan-waan iyo dhex-dhexaadin ay wadaan Aqalka Sare ee Soomaaliya iyo wakiiladda beesha caalamka oo lagu doonayo in xal loogu helo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamullada.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM