Itoobiya oo ka walaacsan heshiisyada Soomaaliya la gashay Masar
QAAHIRA - Masar iyo Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in la dhaqan geliyo heshiisyadii militariga ee ay kala saxiixdeen sanadkii 2024, taasoo ku soo beegmaysa xilli xiisado ka dhex jiraan Itoobiya iyo Masar, gaar ahaan khilaafka ku saabsan dhismaha Biyo-xireenka Weyn ee webiga Niil.
Heshiiska cusub, oo ay saxiixeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi, ayaa lagu xoojinayaa xiriirka istiraatijiyadeed ee labada dal, iyadoo laga shaqeynayo siyaasadeed, militariga, dhaqanka, safarka iyo dhaqaalaha.
Qodobka ugu muhiimsan ee heshiiskan militariga ayaa ah in labada dal ay ka wada shaqeynayaan sidii loo xoojin lahaa awooda Soomaaliya ee ilaalinta amniga iyo xasilloonida, iyadoo Soomaaliya ay wajaheyso dagaal culus oo ay kula jirto kooxaha Al-shabaab iyo ISIS.
Masar ayaa horey u bilaawday in ay hub u dirto Soomaaliya, oo rabto inay ka dhigato saldhig ay ugu duusho Itoobiya. Arrintani waxay keentay walaac ka yimid Itoobiya, taasoo ku eedeysay Masar inay khatar gelinayso xasiloonida gobolka Geeska Afrika.
Sidoo kale, Masar ayaa muujisay rabitaanka ay ku dooneyso in ay ciidamo ku biiriso Hawlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilloonida Soomaaliya (AUSSOM), iyadoo Itoobiya ay ka muujisay cabasho kadib markii Soomaaliya ay sameysay qorshe ay ku diidi karto in Itoobiya ka qeyb qaadato. Hase yeeshee, labada dal ayaa heshiiyay dhawaan markii Xasan Sheekh bishan booqday Addis Ababa, oo Abiy Axmed kala hadlay howlgalka AUSSOM.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ka hor inta uusan booqan Masar, wuxuu soo booqday Addis Ababa, halkaasoo uu la yeeshay Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Go'aanka Soomaaliya ee inay dib uga laabato xiriirka Itoobiya ayaa ka dambeeyay wada-hadallo ku dhexmaray Ankara oo xal u helay arrimo badan, oo ay ku jirto xiisada Itoobiya ee ku aaddan helitaanka marin Badda Cas.
Inkasta oo aan la shaacin cidda hoggaamin doonta AUSSOM, qeyb galka Masar ayaa noqon doona mid gaar ah, maadaama ay tahay markii ugu horreysay ee Masar ay ciidamo u dirto Soomaaliya. Itoobiya ayaa xubin ka ahayd asalka hawlgallada Soomaaliya.
GAROWE ONLINE