Jahwareerka Galmudug oo dagaal dhiig ku daatey lagu soo afjaray

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Hogaamiyaha sarre ee Ahlu Sunna Waljameeca, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan, ayaa maanta oo Sabti ah wuxuu ku dhawaaqay in ay ka hareen siyaasadda Galmudug.

Iyaddoo aysan wali cid qaadan mas'uuliyada geerida dagaal dhexmaray, hadalka wadaadka ayaa kusoo hagaagay markii ay isku dhiibeen Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Isagoo kasoo muuqdey muuqaal laga soo duubay, wuxuu si cad ugu adkeystay in ay baaqi ku yihiin fekerka Ahlu Sunna isla markaana ay difaaci doonan.

"Ahlu Sunna ma ahan wax laga tanaasuli karo waa caqiiqadda dhan ee Islaamka, mana laga tanaasuli karo, laakiin wixii dhib u keenaya dadka waa laga tanaasuli karaa, waana intaas tanaasulkeena".

Xili uu u muuqday mid diraya fariin siyaasadeed, Macalin Maxamuud ayaa soo jeediyey in qaab nabdoon heshiis looga gaaro awood qeybsiga hogaanka maamul goboleedka Galmudug.

Tani ayaa soo afjareysa bilooyin jahwareer siyaasadeed uu ka jiray Galmudug. Qalalaasaha wuxuu ka dhashay doorashadii madaxtinimadda oo ay kasoo baxeen madaxweyneyaal iska soo horjeeda.

Maxamed Shaakir Cali Xasan, oo Ahlu Sunna u dooratay madaxweynaha Galmudug, ayaa cadeeyay in ammaankooda iyo midka Galmudug ay si buuxda ugu wareejiyeen xukuumada dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in Shaakir iyo Macalin Maxamuud ay la balansan yihiin Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor], madaxweynaha Galmudug, garabka Nabad iyo Nolol.

Dagaalo qaraar oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay dhexmaray Ahlu Sunna iyo Dowladda Soomaaliya ayaa galaaftay nolosha in ka badan 20 ruux, kuwaasoo isugu jira askar iyo dad kale oo shacab ah.

Sikastaba ha ahaatee, tani macnaheedu waa in muranka siyaasadeed ee Galmudug lagu soo gunaday gacan ka hadal, wallow aysan wali caddeyn halka loo jiheysan doono mustaqbalka.

Dhinaca kale, illo lagu kalsoonaan karo ayaa daboolka ka qaadaya in hogaanka Ahlu Sunna ku sugan yihiin qeyb kamid ah xarunta INJI, halkaasoo ay ku ilaalinayaan ciidamo daacad u ah Villa Soomaaliya.

MUUQAALKA AHLU SUNNA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gudi lagu muransan yahay oo doorasho ku qabanaya Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu dalka ka guuri doono nidaamka qabiilka ee 4.5, una guuri doono doorasho qof iyo cod ah.

  • Soomaliya

    15-04-2025

  • 12:12PM

Xamse oo dib ugu laabtay Muqdisho kadib booqashadii Laascaanood

Safarkii Nabadda iyo Midnimada ee Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo gebagaboobay si guul ah.

  • Soomaliya

    15-04-2025

  • 11:44AM