Khayre oo Jawaari la kulmay kadib Dagaal Siyaasadeed [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa xalay Hoygiisa booqasho gaaban ugu tagey Gudoomiyihii iscasilay ee Gollaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari.

Booqashada Khayre ayaa u muuqatay mid Is-cafin iyo Macsalaameyn ah, maadaama uu Jawaari kursiga ka dagayo wixii ka dambeeyay maalinta berri ah, oo Khudbadiisa Is-casilaadda ka jeedinayo Baarlamaanka.

Labada mas'uul oo ka muuqatay dhoola-cadeyn, ayaa is gacan qaadey kadib kulan gaar ah oo ay ku yeesheen Hoyga uu Jawaari ka degan yahay Aqalka Madaxyooyadda Villa Soomaaliya.

Lama oga waxa ay uga wada hadleen Kulankooda, oo ay imaanaya xilli lagu wado in saacadaha soo socdo lagu wado uu in Jawaari kahor hadlo Kulanka maanta ee Gollaha Shacabka.

Kulanka ayaa yimid kadib dagaal Siyaasadeed oo dhex maray Jawaari iyo Khayre kaasi oo ugu dambeyn lagu soo afjaray Is-casilaadda Gudoomiyaha Gollaha Shacabka. Jawaari ayaa sameeyay mudo ku dhaw hal bil iska-caabin xooggan.

Jawaari ayaa xilkan soo hayay mudo 5 sano ah, iyadoo markii labaad loo doortay horaantii sanadkii tagey kadib markii uu dhamaaday waqtigiisii hore ee uu soo noqday Gudoomiyaha Baarlamaankii 9aad dowladda Xasan Sheekh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM