Khayre oo shuruud ku xiray fulinta mashaariicda HirShabeelle

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Jowhar kasoo dhagax-dhigay mashriicyo lagu dhisayo; garoonka diyaaradaha, xarunta Baarlamaanka iyo wada isku xirta madaxtooyada iyo madaarka.

Munaasabada dhagax-dhiga kadib, wasiirka koowaad ee xukuumada Federaalka oo u waramay warbaahinta ayaa xusay in fulinta mashaariicyadda ay muhiim u tahay in maamulka uu si buuxda ula shaqeeyo dowlada Federaalka.

Mashaariicda uu Khayre ka dhagax dhigay Jowhar ayaa kusoo beegmaysa xilli maamullada Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, oo wali go'aankii ay ku gaareen Kismayo ku adkeysanaya.

"Mashaariicdan horumarineed waxaa muhiim u ah inay la fuliyo inuu maamulka si buuxda u gala shaqeeyo dowladda arrimaha muhiimka ah. Shacabka hadii aad tihiin waa inaad ku cadaadisaan madaxdiina inay la garab istaagaan dowlada," ayuu ku daray.

Ra'iisul Wasaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa bogaadiyay xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya hogaanka HirShabelle, isaga oo carabka ku dhuftay in dhowaan ka dhegax-dhigi doono mashruuca lagu dhisayo wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

"Waxaan kaloo dhowaan-dhagax dhigi doonaa hadii uu ALLE raali ka noqdo mashruuca Jidka isku xira Jowhar iyo Muqdisho, kaasi oo sugitaanka amaanka, kobaca dhaqaalaha iyo ganacsi fara badan abuuraya," ayuu hadalkiisa kusii daray Khayre.

Ugu dambeyn, Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa ku dheeraaday ka sheekaynta taariikhda magaalada Jowhar, taasi oo sheegay inay ahayd meel dadka cadaanka ah usoo dal-xiisi tagi jireen iyo magaalo ay ku tiirsaneyd dowladnimada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse oo wafdi ballaaran u kaxeystay shirka loo dhan-yahay ee UN-ka

“Cidna yaan laga tagin” waa hal-ku-dhegga sanadkan ee shirweynaha guud ee Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    22-09-2024

  • 10:03AM

UN: Ugu yaraan 1,500 ayaa qarax ugu dhintay gudaha Soomaaliya 2023-kii

Warbixinta sanadlaha ee Qaramada Midoobay ayaa lagu soo bandhigay tirokoobkan.

  • Soomaliya

    21-09-2024

  • 04:14PM