Khilaaf ka taagan Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Shariif Xasan

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Waxaa Muqdisho iyo Baydhabo ka dhacaya Shirar iska soo horjeedo, oo ku aadan mooshin la sheegay in laga keenay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Magaalada Baydhabo waxaa kulan gaar ah ku yeeshay maanta Xildhibaano katirsan Baarlamaanka maamulkaasi, iyadoo sheegay in xilligan in aysan habooneyn Mooshinka in laga keeno Madaxweynaha.

Xildhibaan Xasan Macalin Iidow (Xasan Black) wuxuu xusay in Xildhibaanada Baydhabo ku kulmay ay tiro ahaan gaarayaan 50 Mudane oo kasoo horjeeda Mooshinka laga diyaariyay Madaxweynaha.

Waxay isku raaceen Xildhibaanada inay difaacaan Madaxweynaha, islamarkaana ay ka hortagaan mooshin iyo isku day kasta oo awooda looga xayuubinayo Shariif Xasan, oo hadda Muqdisho ku sugan.

Xildhibaano kale ayaa kulan kaasi kasoo horjeeda ku yeeshay dhowr jeer Muqdisho, kuwaasi oo shaaciyay inay saxiixeen mooshin xilka looga qaadayo Shariif Xasan, oo waxqabad la'aan ku dhaliileen.

Mooshinkan ayaa imaanaya iyadoo Madaxweyne Shariif Xasan uu 22-kii bishii lasoo dhaafay ka furay Baydhaboo kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka, isagoo kula dardaarmay Xildhibaanada inay maamulkaasi la shaqeeyaan.

Shariif Xasan wuxu kamid yahay hogaamiyaasha ka qeyb-galaya Shirka u dhaxeeya maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka kaasi oo wali ka socda magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM