Koonfur Galbeed: Laftagareen oo galuusyada dhuuqsadey

Image
Dowlad goboleedkan ayaa faallanaya xasarad siyaasadeed oo wali aan cirka isku-shareerin.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Wasiirka warfaafinta Koonfur Galbeed, Ilyaas Cali Nuur oo maanta la hadlay saxaafadda, ayaa ka shanqariyey hadal u muuqday mid jawaab u ah murashaxiin ishabeysi kaga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

Ilyaas oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa caasimadda Soomaaliya ayaa jeediyey fariin isugu jirtey digniin ku wajahan siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan Muqdisho iyo baaq ku socday dadka, xildhibaanada iyo ciidanka.

"Cid kasta oo ku timaada Baydhabo si aysan raali ka ahayn Koonfur Galbeed waxaan ula macaamili doonaa sida Puntland ay ula macaamishay gudoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka markii ay tagtey Boosaaso," ayuu yiri.

Shacabka ayuu ku tartarsiiyey in ay ilaashadaan dowladnimada iyo "ceyrta dadka qaar Yurub ku qaataan ee ay ku helayaan Baydhabo". Hadalkan ayuu ula jeeday mucaawinada ay ka helaan hay’adaha Qaramada Midoobay.

Isbaheysiga murashaxiinta

"Xildhibaanada iyo Ciidamadda ma ahan kuwii la kala qeyb-jiray inta shilimaad yar loo qeybiyo. Waa dhalinyaro wax baratay oo fahamsan waxa u dan, waxaana leeyahay ilaashada dowladnimadiina," ayuu carabka ku dhuftey.

Bishan December 2-deeda, sanadka 2022, murashaxiinta madaxtinimada Koonfur Galbeed ayaa sameysatay gole kahor dhamaadka muddo xileedka madaxwayne Laftagareen oo xudun u ah qalalaase soo ifbixi doona dhowaan.

Qoraal ay soo saareen ayay ku dalbadeen fulinta tobban qodob oo ay kamid tahay doorasho waqtigeeda ku dhacda oo ay ula jeedaan bartaaha bishan aan hadda ku guda jirno iyo in ciidanka howlgalka ATMIS ay dhexdhexaad noqdaan.

Madaxwaynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Aadan, Wasiirkii hore ee Maaliyada federaalka, Maxamed Aadan Ibraahim Farkeeti iyo Xasan Cali Maxamed Amar-dambe, wasiirkii hore ee difaaca federaalka ayaa ku jira golahan.

"Galuusyadda ayuu dhuuqsadey"

Dad badan oo ka faalooda siyaasadda ayaa rumeysan in hadalka wasiir Ilyaas uu la macno yahay in Laftagareen uu isku-diyaarinayo dhaqan-gelinta muddo kordhintii baarlamaanka Koonfur Galbeed u sameeyay bishii April 20, 2020.

"Sidoo kale, dhambaalka wasiirka waxaa laga dhex-akhrisan karaa in dhuuqsadey galuusyadda oo uu albaabada isugu dhuftey meel walba laga soo gali karay – siyaasad ahaan iyo ciidan ahaan," ayay sheegeen falanqeeyeyaasha.

Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in ciidamadda ammaanka garoonka diyaaradaha Shaati-gaduud ee Baydhabo lagu amray in uusan soo degi karin siyaasi mucaarad ku ah maamulka "illaa ka fasaxayo xafiisk madaxweynaha".

Bilooyinkii lasoo dhaafay, madaarka ayaa waxaa laga celiyey siyaasiyiin halka qaar kale markii ay ka dageen xabsi loo taxaabay. Dowladda federaalka ayaan wali si furan uga hadlin muddo kororsiga ay sameysteen hogaamiyeyaasha maamuladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Turkiga mar kale ayuu qaatay go’aan muhiim inoo ah

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu ugu baaqay shacabka midnimo si looga faa’iideysto kheyraadka dalka.

  • Soomaliya

    26-10-2024

  • 03:35AM

Xamse Barre oo sheegay in Turkiga uu faqriga ka saarayo Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya ayaa si weyn waxa uu u ammanay dowladda Turkiga.

  • Soomaliya

    26-10-2024

  • 03:30AM