Madaxweyne Farmaajo oo gaarey dalka Jabuuti

Image

JABUUTI - Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaarey dalka Jabuuti, oo noqonaysa lugtii ugu dambaysay booqashadiisa gobolka Geeska Africa.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti, Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dalkaasi, waxaana loo galbiyay aqalka madaxtooyadda.

Waxaa lagu wadaa in uu kulan la yeesho dhigiisa dalkaasi Iscmaaciil Cumar Geelle, oo ay kawada hadli doonaan arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin xiriirka iskaashi ee labada dalka iyo dagaalka Al Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo oo shalay kula hadlay Saxaafadda magaalada Addis Ababa, ayaa sheegay in safarkiisa uu salka ku hayo sidii loo dar-dar gelin lahaa dagaalka ka dhanka Al-Shabaab isla markaasna loo midayn lahaa qorshayaasha wadamada geeska Afrika ee ay ku wajahaayaan ka hor-tagga khatarta argagixisada.

Farmaajo ayaa xalay kulan xasaasi ah kula qaatey Addis Ababa Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desaglen, kaasi oo looga hadlay amniga gobolka iyo sidii loo wiiqi lahaa awoodda Al Shabaab. Halkan ka akhriso Warbixinta.

Booqashada Madaxweynaha ee dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, ayaa kusoo beegmaysa xilli ciidamada AMISOM ay billaabayaan sanadka soo socda ee 2018-ka ka bixitaankooda dalka.

Howlgalka AMISOM oo billowday 2007 ayaa waxaa lagu wadaa in lasoo afjaro sanad kadib, iyadoo wali Al shabaab ay ku xoog badan yihiin qeybo kamid ah Soomaaliya, oo weeraro ka fulinayaan Muqdisho.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM