Madaxweyne Farmaajo oo gaarey dalka Jabuuti

Image

JABUUTI - Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaarey dalka Jabuuti, oo noqonaysa lugtii ugu dambaysay booqashadiisa gobolka Geeska Africa.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti, Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dalkaasi, waxaana loo galbiyay aqalka madaxtooyadda.

Waxaa lagu wadaa in uu kulan la yeesho dhigiisa dalkaasi Iscmaaciil Cumar Geelle, oo ay kawada hadli doonaan arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin xiriirka iskaashi ee labada dalka iyo dagaalka Al Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo oo shalay kula hadlay Saxaafadda magaalada Addis Ababa, ayaa sheegay in safarkiisa uu salka ku hayo sidii loo dar-dar gelin lahaa dagaalka ka dhanka Al-Shabaab isla markaasna loo midayn lahaa qorshayaasha wadamada geeska Afrika ee ay ku wajahaayaan ka hor-tagga khatarta argagixisada.

Farmaajo ayaa xalay kulan xasaasi ah kula qaatey Addis Ababa Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desaglen, kaasi oo looga hadlay amniga gobolka iyo sidii loo wiiqi lahaa awoodda Al Shabaab. Halkan ka akhriso Warbixinta.

Booqashada Madaxweynaha ee dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, ayaa kusoo beegmaysa xilli ciidamada AMISOM ay billaabayaan sanadka soo socda ee 2018-ka ka bixitaankooda dalka.

Howlgalka AMISOM oo billowday 2007 ayaa waxaa lagu wadaa in lasoo afjaro sanad kadib, iyadoo wali Al shabaab ay ku xoog badan yihiin qeybo kamid ah Soomaaliya, oo weeraro ka fulinayaan Muqdisho.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM