Mas'uul sarre oo ka socda UN-ka oo ku wajahan Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Mas'uul sarre oo ka socda Qaramadda Midoobay ayaa Soomaaliya todobaadka dambe u tegaya wada hadalo ku saabsan xaaladda caruurta ay saameysay colaadaha hubeysan ee Geeska Afrika.

Virginia Gamba, wakiil gaarka ee xoghayaha guud ee UN-ka u qaabilsan caruurta iyo colaadaha hubeysan ayaa Muqdisho ka degi doona 29-ka October, sidda uu shaaciyey howlgalka Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Gamba ayaa saxiixi doona geedi socodka lagu dardargelinayo dhaqan-gelinta ilaalinta caruurta ku sugan goobaha colaadaha.

"Waxay kaloo daah-furi doonaa mashruuca Maalgelinta Dhismaha Nabadda oo bulshada ka taageeraya in ay caruurta ka badbaadaan arrimaha la xiriira askareynta iyo kooxaha hubeysan," ayaa lagu yiri qoraalka.

Inta ay ku sugan tahay Soomaaliya, Gamba ayaa la kulmi doonta mas'uuliyiin ka socda dowladda, Qaramada Midoobay, Ururada bulshadda iyo daneeyeyaasha Beesha Caalamka ee dalka ku sugan.

Kulamada ayaa xooga lagu saari doonaa sidii loo fulin lahaa qorshaha loogu hortagayo askareynta, dilka iyo curyaaminta mustaqbalka caruurta si lamid ah tilmaamida xadgudubyadda iyo caqabadaha jira.

Marka la joogo Soomaaliya, xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyaa askareynta caruurta si ay ugu adeegsadaan howlgaladooda Jihaad-alooseynta.

Sidda laga soo xigtay Golaha Ammaanka UN-ka, Soomaaliya waxaa April 1, 2010 illaa iyo July 1, 2016, la askareeyay 5,933 oo wiilal ah iyo 230 gabdho ah. Qiimeynta waxay soo baxday sanadkii 2017-kii.

Xog-uruurinta ayaa muujisa sarre u kac waali ah marka laga hadlayo inta u dhaxeysa 2012-2014. Balse waxaa hoos u dhac a dareemay 2016-kii oo la askareeyay 1,092, waana qeybta hore ee 2016-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM