Maxkamadda Sare ee Ciidamada oo mar kale xukuntay shabakada Qosyaale

Image
Kooxdaan oo kooban Lix qof, ayaa Qoslaaye waxaa ku wehliyey kiiskaan, sidda ay sheegtay xeer-ilaalinta.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Sare ee Ciidamada ayaa xukunno kala duwan ka soo saartay kiiska Taliyihii saldhiga booliska degmada Heliwaa Dhamme Cabdifataax Maxamed Xasan Qoslaaye iyo kooxdiisa oo mid maqane ah uu ku jiro, kuwaasi oo ka wada shaqeeyey dilka Marxuum Abuukar Axmed Kaabax, falkaasi oo dhacay 22-kii bishii February ee sanadkaan 2024.

Kooxdaan oo kooban Lix qof, ayaa Qoslaaye waxaa ku wehliyey kiiskaan, Dable Bol. Maxamed Cabdi Qoone, Liibaan Maxamed Axmed oo ah Maskaxdii ka dambeysay dilka marxuumka, Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin], Maxamed Cadaawe Cali & Yaasiin Cabdi Jaamac.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada QS ayaa codsaday qaadista kiisaskan, fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukunno kala duwan ka soo saartay kiiskaan Lixdii April ee Sanadkaan, balse xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunadii lagu riday.

Maxkamadda sare ee Ciidamadda oo aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ay soo qaateen xukunsaneyaasha 10-kii bishaan, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyadoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

1- Ex Dhamme Cabdifataax Maxamed Xasan Qoslaaye iyo 2- Ex Dable Bol. Maxamed Cabdi Maxamed Qoone, ayey Maxkamadda sare ee ciidamada ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Abuukar Axmed Kaabax.

3- Liibaan Maxamed Axmed oo maqane ah, ayaa lagu xukumay Xabsi Daa’in, halka 4- Maxamed Cadaawe Cali, 5- Yaasiin Cabdi Jaamac iyo 6- Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin] ay Maxkamadda sare ku xukuntay min Toddoba sano oo Xabsi ciidan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamadda Ciidanka oo Xukun Ku Riday Sarkaal Muhiim ah oo Ka Tirsanaa Al-Shabaab

Cabdinaasir ayaa ka hoos shaqeynayay sarkaal sare oo lagu magacaabo Khaalid, sida lagu sheegay xukunka maxkamadda.

  • Soomaliya

    04-06-2025

  • 01:22PM

Turkiga oo Kordhiyay Taageerada Difaaca Soomaaliya

Shixnadda diyaaradaha ayaa la keenay Muqdisho kadib markii duuliyayaashu dhammeeyeen tababarkoodii ugu dambeeyay.

  • Soomaliya

    04-06-2025

  • 01:05PM