Musharaxiinta oo walwal ka muujiyey shan qodob

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo wuxuu wali faragelin ku hayaa habsami u socodka hanaanka doorashooyinka, sida ay sheegeen musharaxiinta madaxtinimadda.

Musharaxiinta oo bayaan kasoo saarey kulan dheer oo ay caasimada Muqdisho ku yeesheen Sabtida, 18-ka July, 2021 ayay walaac xoogan uga muujiyeen caqabado ay sheegeen in ay hortaagan yihiin coddeynta.

Caqabadahan oo gaaraya shan oo ay ku fahfaahiyeen war-saxaafadeedka ayay caddeeyeen in haddii aan si deg-deg ah wax looga qaban ay horseedi karaan dib-u-dhac kale oo ku yimaada hanaanka doorashooyinka.

Madaxda golaha wadatashiga qaranka ayay cod dheer ugu booriyeen in ay ka shaqeeyaan sidii xal waara oo si dhaqsiya ah ku yimaada ay ku wajahaan shanta caqabadood oo muhiim u ah doorashooyinka.

Qodobada ay walaaca ka muujiyeen waxay kala yihiin;

- Kala qeybsanaanta ka jirta guddiyada gobolada Waqooyi ee labada garab ah.

- Xaalada gobolka Gedo oo weli heshiis laga gaarin.

- Dildilaaca dhanka amniga ee ka taagan gobolka Hiiraan.

- Lacagtii doorashada oo aan meel la saarin

- U diyaargarowga Doorashada Aqalka Sare oo aad u hooseysa

Dhanka kale, madaxtooyadda Soomaaliya ayaan wali jawaab rasmi ah ka bixin eedeymaha iyo walwalka ka imaanaya musharaxiinta madaxtinimadda Soomaaliya kuwaasoo u taagan in ay bedelaan Maxamed Farmaajo.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA MUSHARAXIINTA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo eedeyn culus u jeediyay dowladda Soomaaliya

Dowladda Xasan Sheekh ayaa sidoo kale dagaal kula jirta Puntland oo ah hooyada Federaalka dalka oo soo jirtay tan iyo 1998.

  • Soomaliya

    20-02-2025

  • 11:37AM

Heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya oo Xoogga Lagu Saarayo Wadahadallo Ka Furmay Turkiga

Dhinaca kale, warbixinnada ayaa sheegaya in wadahadalladan lagu soo gabagabeeyey heshiisyo muhiim ah oo ku saabsan.

  • Soomaliya

    19-02-2025

  • 06:59AM