Puntland: Xubno dowladda mucaaraday oo Garoowe lagu xiray

Image

GAROWE, Puntland- Ciidamada ammaanka Puntland ayaa maanta oo Jimce ah xabsiga u taxaabay afar xubnood oo kamid ahaa madal isugu yeertay bad-baadinta Puntland, taasoo muddooyinkii u dambaysay warbaahinta marinaysay dhaliilo ka dhan ah xukuumadda Madaxweyne Gaas.

Afar xubnood oo hormuud u ahaa koox la magac baxdey Madal ayaa la dhigay saldhiga dhexe ee magaalada Garoowe iyadoo amarka la sheegay inay bixiyeen guddiga nabad galyada gobolka Nugaal.

Xubnaha la xiray ayaa kala ah; Cabdiraxmaan Siciid Maxamud (Dhegawayne) oo soo noqday Agaasimaha hay'adda Puntland u qaabilsan cudurka Aids-ka, Daahir Ciiro oo isna mar kasoo mid noqday Barlamankii KMG ahaa dalka Soomaaliya, Ganacsade Duni Maxamed Guulato Iyo Faysal Faarax Cali.

Faah faahin dheeraad ah lagama bixin sababta raggaas loo xiray.

Arrintan waxaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay taliyaha Saldhiga dhexe ee magaalada Garoowe Fardafuul.

Balse xubnahan oo 10-kii bishan shir saxaafadeed ku qabsaday Garoowe ayaa dhaliilay shirkii Kismaaayo lagu qabtay iyo khilaafka ka dhashay wadamada Khaliijka iyagoo tilmaamay in Madaxda maamul goboleedyadu ay ku khaldanyihiin waxyaabaha ay ka shireen.

Kooxdaan oo dhowaan ku qabatey shir saxafadeed duleedka magaalada Garowe ayaa u gacan haadinayey dowlada Federaalka iyagoo u muuqdey iney ka faa'ideysanayaan 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed: Helitaanka Badda Cas Waa U Muhiim Itoobiya

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay shacabka Itoobiya in si furan looga doodo arrintan halkii laga aamusnaan lahaa ama laga indho tiri lahaa.

  • Soomaliya

    04-07-2025

  • 05:23PM

Xog cusub oo laga helay diyaaradii ku burburtay Garoonka Muqdisho

Diyaaradda ayaa waxaa maamula ciidanka Midowga Afrika ee qeybta ka ah ciidamada Uganda (UPDF).

  • Soomaliya

    02-07-2025

  • 01:10PM