Qarax is-miidaamin oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Image
Weerarada noocaan ah ayaa aalaaba waxaa dusha saarta maleyshiyadda Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax ay warar horudhc ah ku sheegayaan ismiidaamin ayaa laga soo wariyey isgoyska Jubba ee Muqdisho halkaasoo oo ay ku dhow-dahay xarunta hay'adda sirdoonka Soomaaliya.

Sidoo kale, meesha ay wax ka dhaceen waxaa ku dhow xarunta taliska booliska Soomaaliya qeybta gobolka Banaadir. Weerarada noocaan ah ayaa aalaaba waxaa dusha saarta maleyshiyadda Al-Shabaab.

Fahfaahinada ayaa intaas ku daraya in naftii-haligaha uu beegsaday maqaayad shacab oo ka akdhow isgoyska halkaasoo ay inta badan fadhiistaan saraariisha ciidamadda iyo mas'uuliyiinta dowlada federaalka.

Talaadadii ayay ahayd markii guddoomiyihii degaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho, Maxamed Abuukar Afrax, uu kamid noqdey saddex qof oo lagu dilay qarax ka dhacay banaanka magaala madaxda dalka.

Sida ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida, tirada askarta ku dhimatay qaraxaan waxay ka badan illaa 4 wallow kaliya la xaqiijiyey laba.

Askarta ayaa kamid ahayd ilaaladda marxuum Bidaar. Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa tacsi u diray qoyskiisa waxayna sheegeen in ay murugada la wadaagayaan reerka.

Muqdisho ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ahayd mid xasiloon. Dhacdadan waxay kusoo aadeysaa maalmo kahor shirka arrimaha doorashooyinka ee ay yeelanayaan hogaamiyeyaasha Soomaalida oo dhacaya Sabtida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM