Qarax ka dhacay duleedka Kismaayo [Fahfaahin + Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Wararka aynu ka halayno duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubba Hoose, ahna caasimada KMG Jubbaland, waxaa halkaas uu ka dhacay Qarax aad u wayn, casir-liiqii maanta oo Sabti ah.

Qaraxa ayaa waxaa lagu weeraray Saldhig ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin degaanka Bar Sanguuni oo 45KM dhanka woqooyi uga beegan xarunta KMG ee dowlad goboleedka Jubbaland, ee Kismaayo.

Wararka ayaa waxay intaas ay ku darayaan in Qaraxa uu ahaa mid Baabuur, islamarkaana ay saarnaayeen labo katirsan Al-Shabaab, kaasoo ku qarxay Albaabka laga galo saldhigga ciidamada Jubbaland ee ku yaalla deegaankaasi.

Goobjooge ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in weerarkan is-miidaaminta ahaa la fashiliyay kadib marki Askari ku sugnaa afaafka Saldhiga uu ka shakiyay gaariga, kadibna uu rasaas ku furay, taasoo keentay inuu banaanka ku qarxo Gaariga.

Inta la xaqiijiyay Labo naftood huriyaal ah oo saarnaa Gaariga kuwaasi oo loo maleynayo inay Al-Shabaab kamid ahaayeen ayaa ku dhintay qaraxii ay u wadeen Saldhigga, iyadoo hal Askari oo ahaa kii joojiyay Gaariga uu ku dhaawacmay weerarka.

Dhankeeda, Kooxda Al-Shabaab oo war kasoo saartey weerarka ayaa ku sheegtay inay ku dishay in ka badan 50 askar oo ka tirsan ciidamada Jubbaland, islamarkana ay ku jiraan saraakiil ciidan.

Jubbaland wali kama aysan hadlin weerarka iyo khasaaraha ka dhashay.

Qaraxaan oo qeyb ka ah weeraro ay Shabaab dalka ka fulineyso tan iyo markii la galay Ramadan-ka ayaa kusoo aadaya iyadoo maalintii Jimcada isla deegaankaan lagu dilay Askari Ameerikaan ah, 4 kalena lagu dhaawacay weerar lagu qaadey saldhigooda. [Halkan ka akhri Warka].

Hasa yeeshee, lama oga hadii Saldhigaan la weeraray Casir-liiqii maanta oo Sabti ah ay ku sugnaayeen ciidamo Ajnabi ah, balse waxaa loo malaynayaa inay joogeen ciidamada AMISOM iyo kuwa kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Kama Bixi Doono Muqdisho Ilaa Xal Kama Dambeys Ah Laga Gaaro Khilaafka Siyaasadeed

Hadalkaas ayaa imanaya xilli uu weli taagan yahay khilaaf u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 04:22AM

Dastuurka iyo Doodda Taagan: Is-bahaysiga Mucaaradka oo kordhiyay cadaadiska Villa Somalia

Madaxda Puntland iyo Jubaland, oo uu weheliyo Golaha Mustaqbalka, ayaa dalbanaya in shirka lagu qabto xerada Halane.

  • Soomaliya

    11-02-2026

  • 01:30PM