Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho iyo wararki ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kolonyo gaadiidka gaashaaman oo ay wateen ciidamadda AMISOM ayaa maanta oo Arbaco ah lagula eegtay duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo noociisu ahaa Miinadda dhulka lagu aaso ayaa la sheegay inuu haleelay mid kamid ah Gaadiidka AMISOM xili ay ku socdaalayeen degaanka Ceelasha Biyaha, oo ku dhaw caasimadda Soomaaliya.

Faahfaahinada ayaa intaas ku daraya in Qaraxa kadib ay ciidamadda AMISOM fureen Rasaas, taasoo aanan la ogayn khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee kasoo gaarey dadkii shacabka ahaa ee goobta ka agdhawaa.

Sidoo kale, lama xaqiijin karo illaa iyo haatan khasaaraha Ciidamada AMISOM kasoo gaarey qarax, kaasoo noqonaya midkii ugu dambeeyay qaraxyo miino oo ka dhacaya wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaan, balse, Qaraxyadda noocaan ah ee ka dhaca deegaanadda iyo degmooyinka kala duwan ee dalka, waxaa sheegta Al-Shabaab, oo dagaal kula jirta dowlada Soomaaliya iyo AMISOM.

AMISOM ay si joogto ah u adeegsada wadadan, aada dhanka gobolka Shabeellaha Hoose, oo kamid ah meelaha ay ka howlgalaan ciidamada midowga Africa ka caawinaya DFS dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM