Ra'iisul Wasaare Khayre oo magacaabay Wasiiro cusub [Akhri magacyada]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xalay magacaabey Wasiirro cusub, oo buuxinaya boosaskii mudada dheer ka banaanaa Xukuumadda uu hogaamiyo.

Wasiir ku xigeenno iyo wasiiru dowliyaal ayuu sidoo kale magacaabay Ra'iisul Wasaare Khayre.

Madaxyada Wasiiradda iyo Xilalka loo magacaabay

1- Xamze Siciid Xamze oo loo magacaabay Wasiirka Gargaarka iyo ka hortagga Musiibooyinka, Xildhibaan,waxaana uu kursiga ka beddelay Maryan Qaasim

2- Cabdirashiid Maxamuud Xasan, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo ka hortagga Musoobiiyinka, Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.

3- Aadan Isaaq Cali Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, , Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.

4- Xasan Macalin Xuseen Wasiirka Ow-qaafta Arrimaha Diinta, Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.

5- Xasan Cali Maxamed Wasiirka Gaashanadhigga, Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.

6- Daahir Maxamuud Geelle Wasiirka Warfaafintam, waxaa uu ahaan jirey Danjiraha Soomaaliya Sucuudiga u  fadhiya, Ninka kaliya aan ku jirin Golaha shacabka.

7- Cabdicasiis Cabdulaahi Maxamed Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, iska casilay wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, waxaa uu ahaa ninkii 3aad ee ugu codka badnaa doorashadii guddoonka Golaha shacabka, Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka.

8- Cabdifataax Maxamed Ibraahim Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta, Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.

9- Daahir Cabdi Cabdulaahi Wasiiru dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha, Xildhibaan ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya.

10-Maxamuud Maxamed Buunow Wasiiru dowlaha Amniga, Xildhibaan ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya.

11-Isxaaq Maxamed Maxamuud Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka, Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.

12- Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis Wasiir kuxigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta,waxa uu ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka.

13- Maxamed Saciid Cabdullaahi Wasiir ku xigeenka Caafimaadka,waa Xildhibaan ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM