Soomaaliya: Qadar oo dayacdey dhaawacyo ay kasoo qaadeen Muqdisho

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Dalka Qadar oo kamid ah wadamada ugu Qanisan aduunka ayaa dhaawacyo ay maalintii shaley kasoo qaadey magaalada Muqdisho waxay geeyeen dalka Suudaan kuwasoo xaaladooda laga dayrinayo kadib markii ay waayeen adeegyadii caadiga ahaa ee Isbitaalka.

Dalka Qadar oo maalintii shaley keeney garoonka diyaardaha Muqdisho diyaarad weyn oo ah kuwa qalabka Isbitaalka ku rakiban yahay ayaa sidoo kale sidey daawooyin iyo agab kale.

Saraakiil ka socota dalka Qadar iyo Wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya oo halkaas sawiro ( Photo opportunity) isaga qaadey dhaawaca markii la qaadayey ayaa wararku xusayaan in dadkaas ku daadisey Isbitaal aan laheyn qaboojiyaal iyo suuliyo halka cuntadii bukaanka u baahnaayeen ardeyda dalkaas wax ka barata uga qaadey magaalada.

Lama oga sababta dalka Qadar oo saxiib dhow la ah dowlada Federaalka ee iminka talada dalka haysa, dhaawacayada ay qaadey u gayn waydey dalkooda kaasoo ay ku yaalaan goobo caafimaad oo wanagsan.

Wararka laga helayo dalka Suudaan ayaa sheegaya in qaylo dhaan dadkaan u soo direen xarunta Gurmad252 ee magaalada Muqdisho kadib ay halkaas booqdeen saraakiil ka socota wadanka Qadar, Suudaan iyo safaarada Soomaaliya waxeyna sheegeen in arinta la xalinayo.

"Dhaawaca dalka Suudaan la geeyay waa laga soo deyrinaya xaaladooda, waxaana la geeyay Isbitaal aan xitaa laheyn qaboojiye iyadoo heerkulku sareeyo, qaybtood maleh Suuliyo, xaga cuntada dhallinyaro ka tirsan ardeyda halakas wax ka barata' sidaas waxaa GO u sheegey ardey magaciisa ka gaabsadey in aan sheegno.

Sarakiisha booqatey dhaawaca la geeyey Isbitaalka aan laheyn adeega asaasiga ah ayaa balan qaadey in maalinta berri dadkaan la geyn doono xarumo caafimaad ee gaar loo leeyahay.

Qaar ka tirsan ardeyda dalka Sudaan wax-ka barata oo la xiriirey GO ayaa sheegey in hadii arinkaas berri wax laga qaban waayo iyagu isku tashan doonaan.

Dalka Qadar oo khilaaf xoogan ka dhexeeyo dalalka Sucuudiga iyo Imaraadka ayaa dadka siyaasada la socdaa rumeysan yihiin in imaanshahoodii magaalada Muqdishu ee shaley aheyd mid siyasadeed.

Dalka Qadar ayaa waxaa saxiib dhow la ah sarakiil ka tirsan madaxtooyada dowlada Federaalka Soomaaliya kuwasoo qayb ka ah hurinta xaalada siyaasdeed ee ka jirta dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo looga dhawaaqay shir Soomaaliya looga badbaadinayo firaaq dastuuri ah

War-murtiyeed ka soo baxay shir ay magaalada Muqdisho ku yeesheen xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

  • Soomaliya

    27-02-2026

  • 10:45PM

Masar oo Shuruud Ku Xirtay Marin-badeedka Itoobiya

Masar waxay muddooyinkan xoogga saareysay inay xoojiso xiriirka ay la leedahay deriska…

  • Soomaliya

    26-02-2026

  • 08:51PM