Soomaaliya: Xildhibaan ku geeriyooday Kismaayo

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Mudane katirsanaa Baarlamaanka maamulka Jubbaland, oo lagu magacaabi jiray Cumar Buraale Axmed aya ku geeriyooday magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Allah ha u naxariistee Cumar Buraale oo ahaa Gudoomiyaha Gudiga Anshaxa Baarlamaanka Jubbaland ayaa u dhintay Xanuunka Dhiig-kar, oo maalmihii lasoo dhaafay la xanuunsanayay, sida ay xaqiijiyeen Xildhibaano ay saaxibo ahaayeen.

Xildhibaanka geeriyooday ayaa dhiiga ku kacay kadib markii uu dhex-galay Muran dhuleed ka taagan Kismaayo, oo si xoog ah looga qaatey qof ay ehelkiisa katirsan, kadibna dhismo lagu billaabey.

Kahor inta uusan geeriyoonin, Cumar Buraale ayaa ku wargeliyay kiiska muran dguleedka Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Cabdulqaadir Luga-Dheere, isla markaana uu joojiyay in dhulkaasi la dhiso.

Meydka Xildhibaanka ayaa lagu wadaa in lagu aaso maanta xabaalo ku yaalla magaalada Kismaayo, iyadoo la filaya inay kasoo qeybgalaan aaska madaxda sare ee Jubbaland, Xildhibaano, Wasiirro iyo gudoonka Baarlamaanka maamulkaasi.

Allah ha u naxariistee Xildhibaan Cumar Buraale ayaa kasoo mid noqday Baarlamaankii KMG ee dowladdii uu hogaaminayay Madaxweyne Sheekh Shariif.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa ka dhacay Aadan Yabaal, sidee u badbaadeen Odowaa iyo Shuute?

Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

  • Soomaliya

    17-04-2025

  • 07:22AM

Ciidanka dowladda Soomaaliya oo Ka Baxay Degmo Istaraatiji Ah

Aadan Yabaal ayaa horey u ahayd saldhiga ugu weyn Al-Shabaab ee Shabeellaha Dhexe kahor inta aan laga saarin December 2022.

  • Soomaliya

    16-04-2025

  • 11:46AM