Thaabit: Waa in si dhab ah la iskula xisaabtamaa qaraxyada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in aan la aqbali karin qaraxyada isdaba-joogga ah ee ka dhacaya Muqdisho, ee shacabka lagu leynayao.

Thaabit oo kamid ah shaqsiyaadka aadka ugu dhaw Agaasiimaha Villa Somalia Fahad Yaasiin, laguna tiriyo ragga gacan-saarka la leh Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa ku baaqay in Isla-xisaabtan dhab ah uu yimaado.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in marna la aqbali karin in labo Todobaad gudahooda ay ka dhacaan Caasimadda labo weerarka oo ku dhawaad 500 oo qof lagu dilay, tiro intaasi ka badana lagu dhaawacay.

"Lama aqbali karo in labo usbuuc gudaheeda masiibo kale ka dhacdo Muqdisho. Waa in isla xisaabtan yimaadaa, oo Mas’uuliyadana dusha loo ritaa," ayuu ku yiri Thaabit qoraal uu soo dhigay Twitter-kiisa.

Wuxuu tilmaamay in sida kaliya musiibadan looga hortagi karo ay tahay in Mas'uul kasta oo kamid ah dowladda uu shaqadiisa si sax ah u gudato, islamarkaana lagula xisaabtamo howshiisa wixii qalad ka yimaada.

Thaabit oo lagu tiriyo mas'uuliyiinta aadka ugu dhow Villa Soomaaliya ayaa kamid ah dadka ay saameynta ku yeeleneyso la xisaabtanka lagu sameynayo mas'uuliyiinta qaabislan amniga magaalo madaxda Soomaaliya.

Hadalka Thaabit ayaa yimid kadib markii weerar saacado badan qaatey Al Shabaab ku qaadey Hotel-ka Naaso Hablood 2, ee degmada Xamarweyne kaasoo lagu dilay in ka badan 23 qof oo mas'uuliyiin ay ku ujireen.

Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow iyo Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa shalay dib ugu soo laabtay iyagoo dalka ka maqnaa mudo saddex maalmood, xilli laga sugayay natiijada baaritaanka qaraxii Zoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Barakac Ka Billowday Qaar Ka Mid Ah Xaafadaha Muqdisho Xilli Xiisadda Sii Kordhayso

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda ama hoggaanka mucaaradka oo ku saabsan barakaca la soo sheegayo.

  • Soomaliya

    03-06-2026

  • 09:27AM

Dowladda oo Ciidamo Dul Dhigtay Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka, Xiisad Ka Taagan Muqdisho

Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah, ciidamada ammaanka ayaa la duldhigay guryaha Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    03-06-2026

  • 08:37AM