War-murtiyeed laga soo saarey shirka 6aad ee Golaha Wadatashiga

Image
Hogaamiyaha muddo xileedkiisa bilooyinka ka hareen Deni ayaa mar kale ka maqnaa wadahadaladan.

MUQDISHO, Soomaaliya - War-murtiyeed ayaa laga soo saarey shirkii madaxda dowladda federaalka iyo maamuladda ay ku yeesheen magaalada caasimadda ah ee Uqdisho intii u dhaxeysay 24-27 May, 2023.

Shirkan uu guddoomiyey madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa diiradda lagu saarey arrimaha ammaanka, doorashooyinka dalka, deyn-cafinta iyo fulinta heshiisyaddii hore.

Hogaamiyaha Puntland ee muddo xileedkiisa ay bilooyinka uga hareen Saciid Cabdullaahi Deni ayaa markii labaad oo xiriir ah ka maqnaa kulankan sababo uusan wali fahfaahin rasmi ah ka bixin.

War-murtiyeedka ayaa lagu caddeeyay in madaxda ay isku-raaceen heshiis mideysan oo ku wajahan doorashooyinka mideysan, dardargelinta hanaanka deyn-cafinta iyo in xukuumadda ay fuliso heshiisyadii hore.

HOOS KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA KASOO BAXAY SHIRKA

May be an illustration of ticket stub and text

May be an image of ticket stub and text

May be an image of ticket stub and text

May be an illustration of ticket stub and text

May be an illustration of blueprint, ticket stub and text

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM