Wasiirkii 2aad oo iska casilay Gollaha Wasiirada HirShabeelle

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Waxaa maanta xilkii iska casilay Wasiiru dowlahii Wasaaradda Amniga iyo dhaqan-celinta maamulka HirShabeelle Muxsin Maxamed, oo jagadaasi shalay loo magacaabay.

Muxsin oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in sababo isaga uu gaar ah uu isaga-cilay xilka, balse aysan jirin cid ku cadaadisay ama dhaliil uu dhaliilayo xilka.

Wuxuu noqonayaa wasiirkii labaad oo iska cisilaya Gollaha Wasiiradda uu shalay ku dhawaaqay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, xili uu jiro khilaaf kala dhaxeeya xubnaha Baarlamaanka.

Wasiiru dowlihii Wasaaradda Boosatada iyo Isgaarsiinta Ismaaciil Maxamed Culusow, ayaa xilka iska cilay sidan oo kale maalintii shalay saacado kadib markii Gollaha la shaaciyay.

Shaqsigan ayaa ku sheegay sababta iscasilaadiisa inaan marka hore lagala tashan xilka loo magacaabay.

Madaxweyne Waare ayaa lagu eedeeyay inuusan latashi wanaagsan kala sameyn magacaabista Gollahiisa wasiirada Baarlamaanka, Beelaha iyo dadka uu xilalka u magacaabayo, kuwaasi oo hadda mucaaradsan qaabka uu wax u dhisayo.

HirShabeelle oo la aas-aasay dhamaadkii 2016-kii ayaa waxay la kowsatay khilaaf siyaasadeed iyo murano ku qotama nimaadka awood-qeybsi beeleedka [4.5], sida ay sheegeen dadka siyaasada darsa.

Baarlamaanka maamulkan ayaa xilkii ka qaadey Cali Cabdullaahi Cosoble, Madaxweynihii ugu horeeyay ee HirShabeelle isagoo xafiiska jooga mudo 11 bilood ah, kadib markii Xildhibaano mooshin kalsooni kala noqosho ah ka keeneen.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM