Xaaf oo bilooyin kadib Dhuusamareeb kula laabtey dalab naadir ah

Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Madaxweyne Axmed Kaariye Qooroor iyo ku xigeenkisa Cali Daahir Ciid iyo xubno ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka federaalka ayaa maanta Dhuusamareeb ku soo dhaweyey Madaxweynihii hore maamulkas, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Xaaf, oo ilaalo gaar ah watay, ayaa ku dhowaad tobban bilood kadib wuxuu ku laabtey caasimadda dowlad goboleedkaas.

QoorQoor ayaa ku ammaanay Xaaf doorkii nabada iyo isku keenida Galmudug iyo sidda uu markasta ugu nabadooniyey Galmudug isaga oo ku tilmaamay in uu yahay "odaygii Galmudug isku hayay".

Xaaf ayaa sheegay in Galmudug maanta laga bilaabo ay tahay hal mid oo aysan jirin Galmudug labaad, isagoo sheegay in uu tanaasuley danta Galmudug, wuxuuna balanqaadey in uu lashaqeyn doono QoorQoor.

Intii uu hadal-jeedinta waday, Xaaf ayaa si kaftan ah wuxuu si furan ugu codsaday "in aan laga faafin sheekooyin ku saabsan laga guuleystay".

"Wax badan ma aanan maqneyn xooggaa yar oo kululeysi ayay aheyd, hadana waxaa rajeynayaa in Odayga waa tanaasulay ee waa la tuuray yaa la oran, saacadaan laga bilaabo Galmudug waa mid," ayuu yiri.

Madaxda cusub ee Galmudug ayaa kulan la leh Xaaf, kaas oo looga arrin-sanayo munaasabadda xil-wareejinta iyo goorta ay dhaxeyso.

Sidda uu xaqiijiyey xafiiska Qoor-qoor oo war-saxaafadeed kooban laga soo saarey, kulanka waxaa goob joog ah Xilibaanada Dowlada Faderalka ku matala Galmudug iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Galmudug.

MUUQAALKA SOO DHAWEYNTA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM