Amar kale oo lagu soo rogay diyaaradaha tegaya Kismaayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa karaar-siisay xayiraadda dhanka duulimaadka tooska ah ee magaaladda caasimadda ah ee Kismaayo.

Hay’adda Duulimaadka Rayidka Soomaaliyeed ayaa Axadda maanta ah ku amartay diyaaradaha in ay isa soo diiwaan geliyaan 24-saac kahor socdaalkooda.

Talaabadan ayaa waxay imaaneysaa iyadda oo 26-ka bishan ay caasimadda ku meel gaarka Jubbaland ka qabsoomeyso xaflada caleema saarka Axmed Madoobe.

Warbixinadda ayaa tibaaxay in ujeedka go’aanka cusub uu yahay "in la baajiyo munaasabada iyo is-hortaag lagu sameeyo martida lagu casuumay".

Illo wareedyo ayaa waxay xaqiijinayaan in mas'uuliyiin kala duwan iyo xubno ka socda Beesha Caalamka ay gaartay marti qaadka xafladaas.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa dib loogu doortay coddeyn bishii August ka qabsoontay xarunta gobolka Jubadda Hoose.

Dowladda federaalka oo qaadacday guusha Axmed Madoobe ayaa go'doon gelisay Kismaayo, waxayna ku amartay diyaaradaha in ay soo maraan Muqdisho.

Maxamed Salaad Oomaar, wasiirka Duulista iyo Hawadda federaalka, ayaa wuxuu ku tilmaamay Kismaayo "meel uu ka jiro maamul aan la aqoonsaneen".

Kahor hadalka Oomaar, Axmed Madoobe oo xusay in cunaqabateynta la saarey Kismaayo ay xaaladda bini'aadanimo sii hurisay ayaa ka digay in ay sii jirto.

Xiriirka Jubbaland iyo Villa Soomaaliya oo mudooyinkii dambe lahaa qodxo badan leh ayaa waxaa holac kusii shiday doorashadii August, oo xukuumadu dooneyso in ay kasoo baxdo natiijo ka qoslisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo taageerada AUSSOM u joojinaya fashilka dagaalka Al-Shabaab iyo horumar la’aanta amniga Soomaaliya

Warqad rasmi ah oo ka soo baxday Xafiiska Ergeda Mareykanka ee Midowga Afrika, kuna taariikheysan 1-da Luulyo 2026.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:25AM

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM