300 oo calooshood u shaqeystayaal ah oo ka baxay bariga Libya

Image

LIBYA - Ku dhawaad 300 oo calooshood u shaqeystayaal ajnabi ah ayaa ka baxay bariga Libya, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Faransiiska.

Tallaabadan oo ay bishii November ku dhawaaqeen ciidamada fadhigoodu yahay bariga Liibiya ee daacadda u ah fallaagada Gen. Khalifa Haftar, ayaa looga gol lahaa in lagu xoojiyo heshiis ay Qaramada Midoobay taageerto oo dhex maray dhinacyada isku haya Libaya iyada oo loo marayo guddi milatari oo wadajir ah.

"Ka bixitaankii ugu horreeyay ayaa dhacay, taas oo ka dhigan talaabadii ugu horreysa ee horay loo qaaday ka dib shirkii Nov. 12," afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Anne-Claire Legendre ayaa sidaasi u sheegtay saxafiiyiinta, iyada oo tixraacaysa kulan ka dhacay Paris ah oo lagu taageeraayay ololaha nabadaynta Liibiya.

"Waa in hadda lagu daba-galaa guddiga hirgelinta sida ugu dhakhsaha badan looga saaro dalka calooshood u shaqeystayaasha, dagaalyahannada iyo ciidamada shisheeye." Ayay hadalkeeda raacisay.

Ma aysan sheegin askarta calooshood u shaqeystayaasha ah goorta ay baxeen iyo halka ay markii hore ka yimaadeen. Diblumaasiyiinta ayaa sheegay in calooshood u shaqeystayaal dhoofay ay ka yimaadeen dalka jaarka ah ee Chad.

Ka bixitaankan ayaa yimid ka dib markii dadaallo lagu doonayay in Liibiya lagu hoggaamiyo doorasho loo qorsheeyay dhammaadka bisha December uu jahwareer galay ka markii guddiga doorashada ee dalkaas uu sheegay in codeyntu aysan dhici karin, iyagoo sabab uga dhigaya wax ay ugu yeereen in uusan jirin sharciga doorasho iyo hannaanka garsoor oo madax banana.

Xabbad joojintii lagu heshiiyey sanadka 2020 ee Geneva ayaa horey loogu baaqey in meesha laga saaro dhammaan ciidamada shisheeye iyo calooshood u shaqeystayaasha bisha Janaayo 2021 waxaana baaqaas laga dhawaajiyey intii uu socday shirkii Paris.

Calooshood u shaqeystayaal ka tirsan kooxda Wagner Group ee Ruushka ayaa la safan xoogaga taageersan Haftar, kuwaas oo ay ka taageerayaan dagaalka Moscow, oo ay weheliyaan Imaaraadka Carabta (UAE) iyo Masar. Turkiga ayaa u diray ciidamo ka jawaabaya codsiga dowladda ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee fadhigeedu yahay Tripoli.

Khubarada Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in ay sidoo kale socdaal ku tageen Faransiiska, Talyaaniga, Spain, Switzerland iyo Tunisia si ay u dhamaystiraan hawshooda, waxayna xuseen in kooxaha hubaysan ay weli gacanta ku hayaan inta badan Liibiya.

Qaramada Midoobay ayaa hore u qiyaastay in 20,000 oo calooshood u shaqeysteyaal ah iyo dagaalyahanno ajnabi ah ay ku sugan yihiin Liibiya, oo ay ku jiraan kuwa ka socda shirkadda ammaanka gaarka ah ee Ruushka laga leeyahay ee Wagner.

Liibiya ayaa la tacaalaysay sidii ay uga gudbi lahayd qalalaasaha hareeyay waddanka qaniga ku ah saliidda tan iyo sannadkii 2011-kii kacdoonkii NATO ay taageertay ee lagu riday laguna dilay kaligii-taliyihii Moamar Al-Qadaafi.

Xabad-joojintii Oktoobar 2020 ayaa soo afjartay dagaal sannadle socday oo ka dhashay damac uu Haftar ku doonayay inuu ku qabsado caasimadda Tripoli.

Waxa ay sidoo kale horseedday in dowlad midnimo ah oo jilicsan ay xafiiska la wareegto bishii Maarso, iyada oo loo igmaday in ay dalka gaarsiiso doorasho, laakiin waxa ay ku guuldaraysteen in la qabto doorashada bisha December.

Xisbiyada ku loolamaya dalka Liibiya ayaa isku khilaafay jadwalka doorashada, iyagoo ku guul darreystay in ay il gaar ah ku eegaan in doorashada madaxtinnimada la qabto isku mar iyo in kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sudan: Weerarro Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Saldhig Milatari 

Dhamaan duulimaadyadii garoonka Port Sudan – oo ah marinka ugu weyn ee caalamiga ah ee dalkaasi ayaa la joojiyay.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 09:21AM

Midowga Afrika iyo IGAD oo wada Dadaallo Lagu Badbaadinayo Heshiiska Nabada South Sudan

Waxaa sidoo kale la is weydiinayaa in wafdigani ay fursad u heleen la kulanka Madaxweyne Ku Xigeenka Koowaad Riek Machar.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 08:34AM